tashi bulsho ee diyaarinta Miisaaniyadda 2024 ku qabatay Berbera

0
129

Berbera (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa shaaca ka qaaday in miisaaniyadda in odoroska iyo kharashka miisaaniyaddu isku dheeli-tiran yihiin.

Kulan wada tashi bulsho ee diyaarinta miisaaniyadda 2024 oo lagu qabtay jaamacada Badda ee Magaalada Berbera ayaa bulshadu talooyin badan ka soo jeediyeen la xidhiidha diyaarinta miisaaniyadda.

Kulanka oo ardayda jaamacada Badda ee Berbera, aqoonyahano kale, madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo martisharaf kale ka soo qeybgaleen ayaa agaasimaha xidhiidhka Dadweynaha Axmed sheegay inay tixgelin doonaan talooyinka bulshadu soo jeedisay.

“Soo jeedimihiina iyo talo-bixintiinu noqon maayaan kuwo gole-kaga-kac ah, balse waanu weelayn doonaa, waxaanay qayb ka noqon doonaan diyaarinta miisaaniyadda Dawaladda ee kal-danbe [2024]”. Axmed Muuse Maxamed, Agaasimaha Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta Maaliyadda

“Jaran-jarooyinka miisaaniyadu marto waxa ugu muddan Wada-tashiyada kan aynu u fadhino oo kale ah”Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Maaliyadda Md Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka)

“Jaamacad ahaan sharaf ayey noo tahay inaanu martigalino madal wadatashi oo miisaankan leh”.Prof Cabdiqani Maxamed, Gudoomiyaha Macadka Culuumta-Badda Berbera

“Wasaaradda H. Maaliyadda waxaan usoo jeedin lahaa in 50% miisaniyada laga dhigo ictiraaf raadinta” Maayirka Degmadda Berbera Cabdishakuur Cidin.

“Aqoonyahanka reer Saaxil waxan usoo jeedinaya inay si fiican uga faa’ideystaan odoroska miisaniyada 2024” Badhasaabka gobolka Saaxil Cali Case.

“Miisaaniyadeenu waa mid isku dheeli tiran Odoroska Dakhliga iyo kharashkuba” Wasiirka H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply