Xikmadaha Xikmadaha

0
225

Kibirka Iyo Islaweynida

  • Denbiyada waxa asal u ah oo keena Kibirka, waana ka Ibliis Naarta geliyay, Jacaylka Aduunyada iyo dadaalkeeda waa kii ka soo saaray Janada Nebi Adam (cs). Xasadka iyo keli wax isla doonku waa ka sababay in Wiilka Nebi Adam uu u dhalay ee Qabiil uu dilo walaalkii
  • Caalamadaha liibaanta iyo nolosha wanaagsan waxa ka mid ah: Mar kasta oo adoonka u korodho cilmi waxa u kordha tawaaduc iyo is dhul dhiga aan kibir lahayn, mar kasta oo u kordho aduunyona waxa bata taxadarkiisa iyo cabsidiisa uu Allah (sw) ka baqanayo, mar kasta oo ay u kordho sharaf iyo derejona waxa u siyaada usii dhowaanashaha uu dadka usii dhowaanayo iyo buuxinta baahiyahooda.
  • Wanaag waxa helay qofka kaga mashquula ceebihiisa , ceebaha dadka kale. Waxaana jabay kan ilooba ceebihiisa oo u banbaxa sheegidda ceebaha dadka kale.

Leave a Reply