Madaxweynaha JSL oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyey Burco Kuwo Cusub na Dhagax-dhigay

0
92

Burco (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay dhagax-dhigay mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Burco, kuwaasoo wax badan ka tari kara baahiyaha kala gedisan magaaladda.

Madaxweynaha iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa xadhigga ka jaray dhisme dabaq ah oo lagu kordhiyey dugsiga H/dhexe iyo sare ee Sheekh Ibraahim, kaas oo si rasmi ah u dhammaaday.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo lagu qabtay gudaha dugsiga Sheekh Ibraahim, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhismaha cusub ee dugsiga lagu kordhiyey oo wax badan ka tari doona baahidii dhinaca fasallada ee ay qabeen ardayda dugsigaas wax ka barata.

Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda xadhig-ka-jarista ka hadlay ayaa maamulka dugsiga iyo xukuumadda ba ku bogaadiyay inuu dhismahaasi maanta dhammaado, ardaydu na hesho dhisme cusub oo ay wax ku bartaan, kaas oo ah dabaq aanay inta badan dugsiyada kale nasiib u helin.

Madaxweynaha ayaa ardayda dugsiga Sheekh Ibraahim, kula dar-daarmay in ay ku dedaalaan sidii ay mustaqbalkooda u hiigsan lahaayeen in ay gaadhaan meel sare.

“Nolosha waxaad ku qaabishaan ALLE SWT ka cabsi, iyo kalsooni ah, inaad wax walba qaban karto. Markaa waxaad noqonaysaa qof lafihiisa waxtara, waalidkiina waxtara, qarankana waxtara.

Mustaqbal wanaagsan baan idiin rejaynayaa. Waanan idiin ducaynaynaa idinka, iyo waalidkiina, iyo macalimiinta wax idin barta ba” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

sidoo kale, maamulaha dugsiga Sheekh Ibraahim, Cabdiraxmaan Axmed Cawad, wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada, Maalgashiga iyo horumarinta Khayraadka Biyaha oo iyagna halkaa ka hadlay, ayaa bogaadiyey dhismaha ballaadhan ee dugsiga lagu kordhiyey.

Waxaanay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumaddu kaalin weyn ka qaadatay sidii uu dhismahan u dhammaystirimi lahaa, Ardayduna u heli lahayd goob waxbarasho oo casri ah.

Caaqil Yuusuf Cabdi Cawad oo kamid ah guddiga dhismaha dugsiga gacanta ku haysay, ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddaba ugaga mahadnaqay sida ay ugu hagar baxeen inuu dhismahan bilicda lehi dhismo, taariikhda madaxweynahana uu ku biiray.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu isla shalay xadhigga ka jaray mishiin cusub oo CT-scan ah oo xukuumaddu ka hirgelisay cusbitaalka weyn ee Burco, isagoo-na madaxweynuhu soo kormeeray dadka bukaanka ah ee ku sugan waadhadhka kala duwan ee cusbitaalka Burco.

Geesta kale madaxweyne Biixi, waxa uu isla shalay dhagax-dhigay dhisme cusub oo loo dhisi doono gudaha cusbitaalka Burco, kaasoo ka mid ahaa mashaariicda kala duwan ee a xukuumaddu ugu talo gashay inay wax kaga qabato baahiyaha ka jira cusbitaalka Burco.

 

 

Leave a Reply