Dastuurka Qaranka Ma Taaban Karo Wixii Intaas ka Sokeeya ee Tanaasula la Iga Baryi Maayo…” Madaxweynaha JSL

0
76

Madaxweynaha oo mar kale caddeeyay in uu diyaar u yahay in khilaafaadyada jira wada hadal lagu xalliyo

 

 

 

Qore Khadar Cabdi Muuse

Burco (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu u tanaasulo wax kasta oo ay danta qaranka iyo nabadgelyadu ku jirto ee uu isagu awoodeeda leeyahay, balse aanu marnaba aqbali Karin in uu ku tallaabsado wax ka hor imanaya dastuurka dalka iyo diinta Islaamka.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in sida kaliye ee lagaga gudbi karo khilaafadyada siyaasadeed ee dalka ka taagan ay tahay in dhinacyada is diidani ay wada hadlaan, isla markaana isaga iyo xukuumadiisuba ay ka go’antahay in ay tanaasulka intiisa badan ay qaataan.

Inkasta oo uu madaxweynuhu carrabka ku adkeeyay in aan xaq loogu lahayn in lagu cadaadiyo in uu ka tanaasulo ama wax ka bedelo arrimaha masiiriga ah ee ay soo gooyeen golayaasha sharci dejinta dalka iyo dastuurka qaranka, sidaas darteedna aanay suurto-gal ahayn in uu sameeyo wax aan awoodiisa ahayn.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay madal ay habeen hore su’aalo ku waydiinayeen ardayda wax ka barta jaamacadaha ku yaalla magaaladda Burco iyo bahda aqooon yahanka ee gobolka Togdheer.

Kulankaasi oo lagu qabtay barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada Burco, ayaa madaxweynuhu waxa uu halkaas kaga jawaabay su’aalo tiro badan oo ku saabsanaa dhinacyada kala duwan ee xaaladda dalka, sida caafimaadka, waxbarashada, Beeraha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale sidii xal loogu heli lahaa khilaafyada siyaasadeed ee haatan dalka ka taagan.

Sidoo kale waxa ay ardaydu madaxweynaha qaranka wax ka waydiiyeen qorshaha xukuumaddiisa ee ku aadan sidii ay jamhuuriyadda Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka, iyo arrimo kale oo fara badan.

Isagoona madaxweynuhu ardayda iyo aqoon yahankii kale ee madasha ku sugnaa ba su’aalahaasi ka siiyay jawaabo si fiican ay ugu qanceen.

Su’aal la xidhiidhay wax ka qabashadda arrimaha khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo arrimaha nabad-geliyada iyo sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana tanaasul loo samayn lahaa oo uu waydiiyay arday ka mid ahaa ardaydii kulanka ka qayb-galay, waxa uu kaga jawaabay Madaxweynuhu sidan:-

“Ta nabada, horta nabadda waa la wada doonayaa. Marka la is qabto waa in wax laga tanaasulaa. Nabada la iga doonayo aniga, iyo xukuumadda, iyo xilka aan qaranka u hayo, waxaa xaq la iigu leeyahay in inta badan aniga la i garaaco, oo tanaasul la i yidhaahdo.

Waxaan ogolahay in wixii tanaasul ah aan sameeyo. Anigu marka aan madaxweynaha ahay, fulin baan ahay. Labada gole baarlamaan waxa ay soo gooyaan ayuun baan fulin karaa. Wixii ay labada gole soo gooyaan ma taaban karro, awood na uma lihi.

Dastuurka qaranka ee ay shacabku u codeeyeen-na ma taaban karro. Wixii intaa ka sokeeya ee digreeto ah, ee ku saabsan aniga iyo xukuumadayda, la iga baryi maayo, ee waa la igu Budhaynayaa. Danta qaranka ayaana ka weyn, oo anigu na ma diidi karro.

Markaa anigu waan ogolahay in aan tanaasulka inta badan qaato, intii awoodayda ah. Laakiin, marka la igu yidhaahdo wixii ay labadda gole gooyeen wax ka bedel, taa anigu awood uma lihi, wax aanan lahay na, ha i saarina.

Wixii ay labada gole soo go’aamiyeen, iyo dastuurka ay shacabku u codeeyeen, iyo diinta in wax ka hor imanaya aan sameeyo, haddii la igu yidhaahdo saddexdaa qodob wax ka bedel, waxay la mid tahay Dhulka toosi. Balse wixii awoodayda ah waan ka tanaasulayaa, la iga na baryi maayo. Xaq baanna la iigu leeyahay. Aniga na nabadda ilaalinteedda la iga baryi maayo. Nin kasta na sidaas oo kale ayaa laga rabaa” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.”

sidoo kale, su’aal uu waydiiyay arday magaciisa ku sheegay C/raxmaan, oo ku saabsanayd Hayb-sooca, iyo in shaqooyinkoodii ay dad ajaanib ahi kala wareegeen dadkaasi la hayb-sooco iyo waxa ay xukuumaddiisu ka qabatay mushkilada dadkaasi soo waajahday, waxa uu madaxweynuhu kaga jawaabay “Waa arrin taagan, bulshadeena ayaan weli u dhego-nug laanin. Masaajidka waa lagaga wacdiyaa, qof na ma diido in la joojiyo. Hada na sidaa aan aragno ayay u gaabinaysaa.

Markaa waa arrin aad bulshadeena uga dhex jirta, waana arrin u baahan in dadka laga wacyigeliyo. Waxaan ka qabanay sharciyo badan ayaa laga qoray, waxaa ka mid ah in aan dadka ajnabiga ah shaqooyinka hoose la siinin. Shaqooyinka ay qaban jireen dadka muwaadiniinta ah ee laga saaray, waxaanu ka soo saarnay sharci ah in aanay dadka ajnabiga ahi qaban karin”.

Geesta kale Maxamed Cabdisamad Ibraahim, oo ka mid ahaa ardayda ayaa madaxweynaha waydiiyay su’aal ku saabsanayd arrinta ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo wada-hadalada ay Soomaaliya la furtay 12 sannaddood ka hor sababta ay madhalayska u noqdeen.

Haddaba waxa su’aashaasi ka jawaabay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Ciise Kayd, waxaanu yidhi “Raadinta aqoonsiga meello badan ayaynu u marnay, si aynu u helno, dalalka jaarka inala ah, iyo in aynu samaysano saaxiibo dalalka caalamka ah, oo aynu ka dhaadhicino qadiyadeenna.

Haddii taariikhda dib loo raaco kursiga Qaramada Midoobay, ee ay maanta Soomaaliya ku fadhidaa, waa keenii. Markaa waxa keliya ee aynu ula hadlayo Soomaaliya, marka aynu meel dhex-dhexaad ah, oo aan raacsanayn dhinaca Soomaaliya.

Waxa kaloo aynu tegaynaa marka ay markhaati ka noqdaan siyaasiyiin, iyo dawlado iyagu na dhex-dhexaad ah, oo aan dhinac naba raacsanayn. Kuwaasoo xoojin karaya wixii halkaa lagaga heshiiyo. Markaa aad iyo aad ayay muhiim u tahay in aynu Soomaaliya, la hadalno, iyo cid kastoo ay wax inagaga xidhan yihiin ba.”

 

 

 

 

Leave a Reply