Wasaaradda Gaashaandhiga oo Cambaaraysay Weeraro Abaabulan oo ay Kooxaha Huwantu Soo Qaadeen

0
130

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa la socodsiisay dawladdaha Bariga Afrika iyo Beesha Caalamka xaaladihii u danbeeyay ee ka dhacay gobolka Sool gaar ahaan aagaga Maraga iyo Xargaga ee u dhaw Laascaanood.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa u dhigna asidan;

Habeen hore iyo shalay subax ciidamada Qaranku waxa soo waajahay weeraro abaabulan oo kooxaha Puntland, argagaxisada iyo maleeshiyaadka soo qaadeen. Waxa xaqiiq ah in kooxahani u midoobeen khalkhalgelinta Somaliland iyo guud ahaan gobolka.

Si weyn ayaan u cambaaraynayaa weeraradaa, si weyna u garabtaagan nahay geesiyadda Somaliland, oo si weyn u difaacaya xuduudaheena.

Wasaaradda Gaashaandhigu waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay la socoto ficilada cadawtinimada leh oo khatar weyn ku ah xasiloonida gobolka. Waxaan u taagan nahay ilaalinta madaxbanaanideena iyo xasiloonida shacabkeena.

 

Leave a Reply