Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo Hambalyo u Diray Hogaanka Cusub Ee Xisbiga KULMIYE Loo Doortay

0
85

Burco (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa dhambaal Hambalyo ah udirey Hogaanka Xisbiga kulmiye ee Axadii lagu doortay Shirka 8-aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye .

Qoraal uu soo saaray Wasiir Md. Maxamed ayaa u dhignaa sidan;

“Waxa aan Hambalyeynaya Masuuliyiinta Axadii lagu doortay Shirka 8-aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay Musharaxa xisbiga Kulmiye iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” oo loo doortay Musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye , sidoo kale Wasiirku waxa uu hambalyeeyay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo loo doortay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna loo doortay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye .

Leave a Reply