Wasaaradda Maaliyadda oo tababar u furtay Agaasimayaasha Maamulka Lacagta Iyo Xisaabiyayaasha Hay’addaha Dawladda

0
93

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa shalay tabobar mihiim ah u furtay Agaasimayaasha Maamulka Lacagta, Xisaabiyayaasha Hay’addaha Dawladda iyo ciidamadda, kuwaas oo lagu tabobari doono sidii ay hanaanka is-wada ee Xogta Maamulka Maaliyadda loogu soo diyaarin lahaa Miisaaniyadda Dawladda ee 2024-ka.

Tabobarkaas oo ay si wada jir ah u qaban doonaan saraakiil ka kala socda Waaxaha Miisaaniyada iyo IFMIS iyo IT-ga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa masuuliyiinta hay’addaha dawladda u qaabilsan diyaarinta miisaaniyadda ku siin doona casharo la xidhiidha sidii ay si habsami ah ugu soo diyaarin lahaayeen miisaaniyadda hay’adahooda, iyagoo ku ilaalin doona xaddiga qoondada aan la dhaafi Karin ee miisaaniyadeed .

Tababarkaas oo sida qorshuhu yahay muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa waxa saraakiisha Maamulka Maaliyadda ee Hay’addaha Dawaladda lagu tabobari doona qoddo ay ka mid yihiin:

1). Habraaca Diyaarinta Miisaaniyadda, taas oo sharaxaad dheer laga siindoono saraakiishaasi habraacyada ay marto diyaarinta miisaaniyadda dawladu.

  1. In lagu tababaro Xaddiga Qoondada aan la dhaafi Karin ee miisaaniyadeed (Budget Ceiling)yaa

3). Sumad-xisaabeedka loo adeegsado miisaaniyadda oo horumarin iyo wax-ka-badel lagu sameeyey lana waafajiyey sumad xisaabeedka caalamiga ah (Standard Chart of Accounts).

4). Ku-diyaarinta miisaaniyadda ee hanaanka online-ka ah ee maaraynta xogta maamulka maaliyadda ee IFMIS.

  1. Diyaarinta Kharashka shaqaalaha 2024-ka sida darajada shaqaalaha iyo badelka shaqaalaha dawlada ee ka badashay ama u soo badashay Wasaaradda ama Hay’adaha dawladda.
  2. Diyaarinta Mashaariicda Dawlada ee 2024 oo faahfaahsan.
  3. Diyaarinta darajadda ciidamadda iyo horumarintooda.

Tabobarka oo u daah-furay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda iyo Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Yaasiin Ducaale Barre, ayuu si qoto dheer ugu sharaxay ujeedada iyo mihiimada tabobarkaasi u leeyahay qaranka, kaas oo ku dhiirigaliyey saraakiisha hay’adaha dawladda u qaabilsan diyaarinta miisaaniyadda inay weeleeyaan oo ay si wanaagsan uga faaidaystaan tabobarkaas mudada uu socdo.

 

 

Leave a Reply