Ciidanka Qaranka oo Dhirbaaxo Kulul ku Dhuftay kooxaha Huwanta ah

0
92

Qore Khadar M. Dhako

Laascaanood (Dawan) Maleeshiyaadka Huwanta ee dagaalka iyo qalalaasaha ka wada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shalay dagaal saddex geesood ah ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada qaranka Somaliland, iyada oo ciidamadu dhirbaaxo laxaad leh ku dhufteen maleeshiyaadkii soo duulay, isla markaana gaadhsiiyay khasaare baaxad leh.

Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ooย  kaย  dhacayย  Jiidaย  Xargaga iyo Galbeedka Laascaanood ayaa Ciidamada qaranku khasaare baaxadleh gaadhsiiyeen Maleeshiyaadka huwanta.

Ciidamada qaranka ayaa dagaalkan shangaadhiย  ka gubay Maleeshiyaadka huwanta, waxaana Saddex ka mida gaadiidkaย  lagu gubay agagaarkaย  xarunta agoomaha ee Galbeedka Magaalada Laascaanood halkaย  labadaย  kale lagu gubay deegaanka Oodoย  gooye ee Koonfurtaย  bari ee Magaalada.

Sidoo kaleย  waxa Ciidamada qaranka ku jabiyeenย  Maleeshiyaadka huwanta Xargaga, Xaruntaย  agoomaha, Kaalinta inaย  Jabuutaawi, Oodogooye, Darimadoobe, Buurtaย  Hodanka, Buurtaย  Sayidka, Jabka qoriga, Maraaga Baligacalaacal iyoย  Masjidka Eerboodka Gambadha. waxaana jiidahaas ka soo gaadhayย  Maleeshiayadka huwantaย  khasaare aan la soo koobiย  karin.

 

Leave a Reply