Taliyaha Ilaaladda Xeebaha oo la Kulmay Madax Hay’adda EUCAP ah

0
140

Berbera (Dawan)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl ayaa kulan la yeeshay wafti ay hogaaminayso Madaxa Somaliland ee Hay’adda EUCAP Dania Coasa oo socdaal kujoogta Somaliland .

Taliyaha Ciidanka Ilaalaada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye iyo Madaxa Hay’adda EUCAP waxay kawada hadleen mudadii ay joogeen magaalo xeebeda Berbera xoojinta xidhiidhka labada dhinaca Ciidanka iyo midowga yurub iyo sidoo kale Ilaalinta biyaha badacas iyo ka hortaga wax kasta oo dhibaato ku keeni kara biyaha mandaqada gaar ahaana korjoogtaynta bad-qabka biyaha Somaliland iyo wadamada jaarka.

Taliyaha ayaa uga mahadnaqay socdaalkan ay ku timi magaalada Berbera iyo la shaqaynta Ciidanka ee dhinacyada muhiim ah .

Gabagabadii waxay booqdeen goobo muhiim oo ay kamid ahayd xeebta lagu dabaasho ee Batalaale iyo goobo kale .

 

 

Leave a Reply