Ilmo 9-bilood aan uurkiisa lahaa ayaa iga soo dhacay markii uu yidhi Magafe ayaa i Haysa” Hooyo Khadra

0
149

Borama (Dawan) Hooyo Khadra Aadan Jibriil, markii ay maqashay codka dhiilada leh ee wiilkeeda Magafuhu haysto, waxa ka soo dhacay ilma 9 bilood jiray oo ay uurkiisa lahayd.

Hooyo Khadra oo aanu ku booqanay guriga ay ka degan tahay magaalada Borama waxa ay sheegtay in Magafe wiilkeedii u haysto lacag dhan 14 kun oo dollar, waxa ay xustay in aanay hayn, waxa ay bulshada cidkasta oo muuqaalkani soo gaadhio ka codsanaysa in laga bixiyo lacagta aanay awoodin ee wiilkeeda Magafahaa aan arxanka lahayni ku xukumay.

Maxamuud Cabdillaahi Habane, oo ah Sayga hooya Khadra wax shaqo ah mahayo, xilli uu shaqo maalmeedkiisa ku guda jiray ayuu ka soo dhacay guri uu ka shaqaynayay, biro ayaa lugaha kaga jira, waxa uu u hoyada gurigan yar ee aan dhaxan iyo qabow midna aan xejinayn, waxa dhafoorada cadeeyay waa walwalka wiilkiis aanu u hayn lacagtii uu kaga samata bixinlaha Magafaha awooda u sheegtay, lacagta loo haysta wiilkiisa jeebkiisana kuma jirto ku xigaalkiisna kuma jirto.

Cidkasta oo ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa haka qayb qaadato samata bixinta wiilkaas yar ee uu Magafuhu haysto, xata hal dolar ama wax ka yari waa waxtar marka aanad haynin.

𝐇𝐚𝐝𝐝𝐚𝐛 𝐜𝐢𝐝𝐝𝐢𝐢 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮𝐧 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇𝐄𝐘 𝐝𝐚𝐫𝐭𝐢𝐢 𝐰𝐚𝐱 𝐮𝐥𝐚 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐥𝐚m𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐤𝐢𝐢 𝐞𝐝𝐚𝐝𝐢𝐢𝐬 𝐚𝐚𝐛𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐥𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐚𝐡 𝐰𝐚𝐱 𝐡𝐚𝐰𝐠𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝟎𝟔𝟑𝟑𝟎𝟐𝟏𝟒𝟐𝟒

 

Leave a Reply