Arday Reer Somaliland ah Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Taiwan Oo Xaflad Sagootina Loo Sameeyay

0
172

Hargaysa (Dawan): Waxaa shalay magaaladda Hargaysa xaflad sagootin ah loo sameeyay 23 arday oo deeq waxbarasho ka helay wadanka Taiwan.
Munaasibada sagootinta ah ee ardaydan loo sameeyay waxaa ka soo qayb galay safiirka dawladda Taiwan u fadhiya Hargaysa, iyo sidoo kale safiirka Somaliland u jooga dalka Taiwan.
Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay xubno ka socday komishanka tacliinta sare ee JSL, aqoon yahano, iyo siyaasiyiin reer Somaliland ah.
Maxamed Xaaji Maxamuud, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan, oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho ku bogaadiyay dedaalka ay u soo galeen in ay halkan soo gaadhaan.
Waxaanu danjire Maxamed Xaaji, ardaydaasi xog iyo warbixin ka siiyay xaaladda wadanka ay tegayaan ee Taiwan, iyo horumarka ka jira.
Waxaanu yidhi “Marka hore waan idin bogaadinayaa fursadan aad hesheen. Laakiin, waa inaad ogaataan fursadan si dhib yar kumaydaan helin. Waanan idiin hanbalyaynayaa idinka iyo waalidiintiinaba”.
Sidoo kale safiirka dawladda Taiwan u fadhiya caasimadda Hargaysa, ayaa isna ka warbixiyay qiimaha ay leedahay waxbarashadu.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan ka soo qayb gallo xafladani. Aniguna 23 sanadood ka hor ayaan sidiinan oo kale deeq waxbarasho ka helay dalka Maraykanka. Waanan ogahay sida ay muhiimka u tahay waxbarashadu” ayuu yidhi wakiilka Taiwan u fadhiya Hargaysa.
Geesta kale Dr. Edna Aadan Ismaaciil, oo xafladaasi sagootinta ah ka hadashay ayaa tilmaamtay in fursadani ay heleen ardaydani in ay tahay mid Dahabi ah, isla markaana ardayda looga baahan yahay in ay danjireyaal noqdaan.
Dr. Edna, oo ardayda la dar-daarmaysay waxay tidhi “Marka aad waxbarashadda u tagtaan wadankaasi waxaad noqonaysaan safiirro. Waana inaad noqotaan danjireyaal wanaagsan. Fursadan aad hesheen waa fursad Dahabi ah, waxaana la idiinka baahan yahay inaad dedaal dheeraad ah gelisaan waxbarashadda”.

 

Leave a Reply