Xaflado Balaadhan oo lagu Taageerayo Guddoomiyaha Cusub ee Kulmiye oo Lagu Qabtey Gobolka Togdheer

0
213

Burco (Dawan)- Dhalinyarada iyo haweenka Gobolka Togdheer ayaa xaflado is barkan oo soo dhawayn iyo taageerid ah u sameeyey Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo labada murashax ee jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga KULMIYE.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa magaalada Burco kula kulmay qaar ka mid ah Waxgaradka, haweenka iyo Dhallinyarada Magaaladaasi, iyada oo arrimaha kulankaasi lagu gorfeeyayna ay ugu waaweynaayeen arrimaha siyaasadda iyo hogaaminta Cusub ee Xisbiga Kulmiye.

Haweenka iyo dhalinyarada gobolka Togdheer ayaa munaasibaddan soo dhawaynta ah ku qabtay Hoteelka City Plaza ee magaalada Burco, taas daaranayd guubaabo, dhiiri-gelin iyo taageero ayaa lagu lafo guray arrimaha siyaasadda iyo geediga hogaaminta Cusub Xisbiga Kulmiye.

Xubno ka mid ah haween-weynaha xisbiga KULMIYE ayaa munaasibadaasi hadal ka jeediyay, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa, “Waxaan hambalyaynayaa dhammaan bulshada xisbiga KULMIYE meel kasta oo ay joogaan ba, sababta oo ah waxaa la doortay guddoomiyihii saddexaad ee xisbiga Kulmiye oo aanu caawa halkan ku maamuusano haddaanu nahay haweenkii gobolka Gogdher, waxaanu ku leenahay guddoomiye ku soo dhawaw gobolkaagii, ku soo dhawaw xisbigaagii iyo bulshadaadii.”

Sidoo kale mid ka mid ah haweenka xisbiga KULMIYE oo madashaasi ka hadashay ayaa bogaadisay hoggaanka cusub ee xisbiga KULMIYE, waxaanay tidhi “Xafladdan waxaanu ku soo dhawaynaa Maxamed Kaahin Axmed, anaga oo muujinayna taageerada aanu u hayno guddoomiyaha cusub ee xisbiga KULMIYE, anaga oo muujinayna taageerada aanu ugu hayno gobolka Togdheer, waxaanu leenahay soo dhawaw, gobolkaagii wuu ku sugayay, waxaanu ku leenahay gacmo furan ku soo dhawoow, waanu ku taageersanahay waanan ku sugaynay.”

Maayar ku xigeenka Burco Mukhtaar Cabdi Maxamuud ayaa isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waa munaasibad farxad leh oo dareenkeeda iyo shucuurteedaba leh, waxaanan si weyn ugu mahad naqayaa haween weynaha gobolka Togdheer oo munaasibaddan soo agaasimay. Intaa hadaan ka tago munaasibadani waa tii saddexaad oo maalmo kooban gudahood ka dhacda magaalada Burco oo lagu taageerayo laguna soo dhawaynayo guddoomiyaha cusub ee xisbiga KULMIYE, runtii farxad bay noo tahay sida hiilka leh ee ay dadka reer Burco ayay guddoomiyaha u soo dhaweeyeen.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa isaguna goobtaasi ka jeediyay hadallo mahad naq ah, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa haweenka gobolka Togdheer xafladan aadka u quruxda badan inoo soo qaban qaban qaabiyay ee xamaasadda leh.”

Dhinaca kale waxa xaflad ballaadhan oo lagu Taageerayo Hogaanka Cusub ee Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ahna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa ayaa lagu qabtay Magaalada Caynabo.

 

 

 

 

Leave a Reply