“Ciidamada Qaranka JSL Waxay Ku Jiraan Dib-isu-habayn iyo Diyaargarow Culus Oo Cadowga Lagaga Hortagaayo….”

0
250

Hargeysa (Dawan) Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in in ciidanka Qaranka Somaliland uu amar ciidan kaga soo baxay saldhigyadii uu ku lahaa duleedka magaalada Laascaanood. Tallaabadaas oo ujeedadeedu ahayd istaraajiyad ciidan awgeed. Isla markaana ay ciidamada qaranka JSL ku jiraan dib-isu-habayn iyo diyaargarow Culus oo lagaga hortagayo cadowga qaranka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay istiraatijiyad ciidan kaga soo baxeen xeradii Goojacadde. Sidoo kalena ay Ciidamada qaranka ku jiraan u diyaargarow culus oo cadowga lagaga hortagayo.
Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga oo u dhignaa Sidan. “Waxa aanu ogaysiinaynaa shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliland in maanta oo ay taariikhdu tahay 25/08/2023 Ciidanka Qaranku uu uga soo baxay fadhiisimihii uu ku sugnaa ee bariga Gobolka Sool Istiraatiijiyad Ciidan awgeed.”

Leave a Reply