“Ardayda Waxaan Leeyahay Ha-dayicina Wakhtiga oo ka Faa’idaysta Fursadaha”

0
185

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa ardayda kula dardaarmay inaanay dayicin wakhtiga, kana faa’iideystaan fursadaha.

Wasiir Dr. Sacad oo hadal ka jeediyey munaasibad qalinjebinta Jaamacadda Hargeysa ayaa u hambalyeeyey dhamaan ardaydii qalinjebisay, isla markaana bogaadiyey waalidiintii ku soo tacbay.

Dr Sacad ayaa sheegay inuu laba arrin midna u jeedinayo Jaamacadda Hargeysa, mid kalena ardayda qalinjebisay, waxaanu yidhi, “Jaamacaduhu waa tiir-dhexaadka horumarka iyo hoyga aqoonyahanka. Ardayda waxa loo baahan yahay inay dhaqan, aqoon kala taliyaan. Ardayda waxa loo baahan yahay inay dhaqan aqoonyahan kala tagaan.”

Mar uu la dardaarmayey ardayda qalinjebisay ayuu yidhi, “Ardayda waxaan leeyahay saddex shay ku faro-adeyga oo dhalinyaradu inta badan aanay qiimaynin. Cibaadada ku faro adeyga, caafimaadkiina daryeela, wakhtigiinana ka faa’iideysta.”

 

 

Leave a Reply