JSL Waxay la Dagaalamaysaa Waa Puntland iyo Argagixiso

0
354

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye ayaa hadal ka jeediyay fagaaraha magaalada Gabiley oo ay isugu soo baxaneen kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Gabilay, bannaan baxaas oo lagu taageerayay ciidamada Qaranka, qadiyada iyo jiritaanka Somaliland.

Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay la dagaalamayso maamul goboleedka Puntland iyo argagixiso isa soo bahaystay oo ku soo duulay qarannimada iyo jiritaanka Somaliland waxaanu bulshada ugu baaqay in ay si mug leh isu garab taagaan ciidamada Qaranka ee habeen iyo maalinba ku jira difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta waxa aynu halkan isugu soo baxnay in aynu garab istaagno ciidamadeena qaranka Somaliland oo ilaaliya ciidda, calanka iyo distoorka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Ciidamada qaranku waa kuwa aynu ku hurudno ee inaga gaadhsiiyay horumarka, bashbash iyo barwaaqada aynu ku naaloonayno, iyaga ayaa halkaa ina gaadhsiiyay iyagana waynu oganahay halka ay ka soo bilaabeen.”

Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye waxa uu intaasi ku daray “Muhiimadu waxay tahay in aynu is garab taagno ciidamadeena qaranka oo aynu cudud, maal, maskax iyo cod ba aynu garab ku siino. Somaliland maaha beelo ee mid qudha oo wada jirta oo isku mid ah, waa hal qudha. Somaliland waxay la dagaalamaysaa Puntland iyo argagixiso isa soo huwaday oo huwan ah oo aynu ognahay dagaalka ay wadaan.”

Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye waxa uu sheegay in Somaliland aanay marnaba diyaar u ahayn in ay waxyeelo gaadhsiiyaan shacabkeeda waxaanu yidhi “Somaliland marnaba shacabkeeda dhibaato kuma hayso, mar walba walaalaha la khalday ee loo geliyay in ay Somaliland dilayso waa arrin aanay waxba ka jirin, Somaliland waa mid qudha, ciidamada qaranka ayaa difaacayay haddana difaacaya balse maanta inaga ayaa la difaacayna dhammaanteena waynu wada raacsanahay, dhammaanteen waxaynu isku raacsanahay in aynu is garabtaagno ciidankeena oo aynu u hiilino, waxna aynaan kala hadhin hiil iyo hooba. Dhalinyarada reer Somaliland ee ah xooga soo kacaya iyo ka ciidanka ahi waa isku mid, dirayska ayaad is dheertihiin waxaan leeyahay waa in aad difaacdaan ciidiina iyo diintiinaba.”

 

Leave a Reply