Madaxwayne Ku Xigeenka oo Bulshada Ka Cosaday In La Kala Ilaaliyo Waxbarshada iyo Qabyaalada

0
121

Hargaysa(Dawan) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa bulshada ku waaniyay in la kala saaro waxbarashada iyo qabyaalada, lana kala ilaaliyo qabyaalada, wax qorista, akhriska iyo sidoo kale goobaha waxbarashada.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sidan ka sheegay mar uu xadhiga ka jarayay Rugta Akhriska Hargaysa, waxaanu bahda waxbarashada u soo jeediyay in ay ka fiirsadaan goobaha ay ka dhisayaan dugsiyada iyo jaamacadaha, iyaga oo qiimayn ku samaynaya inta bilaabin qorshaha jaamacada.

Sidoo kale Madaxwayne ku xigeenka ayaa bulshada wax qorta u soo jeediyay in waxa la qorayo aanu noqon mid si qabyaaladeed loo qoro ama aan lagu tartamin hab qoraal ku salaysan qabyaalada, waxaanu ku dhiirigaliyay in ay qoraayaashu qoraan taariikhaha runta ah ee caamka ah ee bulshada ka dhexeeya iyo wax kasta oo anfacaya dalka iyo dadkaba.

Waxaanu yidhi ‘’Runtii aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in akhriskeenii iyo qoraakeenii uu kobcayo, waxaa la qorayo waxa inagu qaloocan kaliya waxa aynu qaabka qabyaalada ah u qorayno, tartankeenu maaha inuu qabyaalad noqdo maaha, haddii wax la qorayo dhanka taariikhda runta an iyo waxa dadka ka dhexeeya in aad loo dhiirigaliyo ayaa aad u quxux badan.

Waxad moodaa in ay noloshuba inaga gashay tartan qabyaaladaysan, haddii wado la samaynayo waxdo qabyaaladeed baynu wada noqonay, haddii Degmo la bixinayo degmo qabyaaladeed baynu noqonay, taasi waxay ka saartay wadanka dhammaantiiba wixii mudnaanta la odhanayay ee dalku u samayn lahaa dhaqaale ahaan iyo si kastaba, oo ilaa waxaynu gaadhnay tuulo aan 50 arday oo Dugsi sare ah aanay ka soo baxayn in la yidhaa Jaamacad baanu ka dhisaynaa, ninka maanta ay jaamacadu u jirto 100 kiloo Mitir ee halkii awal loo socon jiray 1500 Kiloo Mitir inuu maanta yidhaahdo caruurtii baan Gabiley tagi karayn isaga oo degan Borama ama isaga oo Gabiley dagan yidhaa caruurtii baan Borama tagi karayn waa wax nasiib daro ah.

Waxa weeye Jaamacadaha maanta jira in aynu tayayno oon qiimo u yeelno laakinse haddii sidii tukaano yar yar uun aan meel walba ka wada furno, oo 10-kii makhsin ba la odhanayo waa jaamacadd, taasi waxay lumisay wixii dalkani u baahnaa ee ahaa xirfadaha in aynaan maskaxdaba ku hay.

Awoodena iyo maalkeena iyo maskaxdeena maanta waa in aynu isugu gayno sidaynu u heli lahayn Dugsiyada Farsamada gacanta, kuwii dawaldu dhisi karayso ha dhisto, kuwa dadka dhaqaalaha haysta ee gaarka ah inay dhiirigaliyaan oo Dugsiyo Farsamada gacanta ah dhisaan.’’

 

 

 

Leave a Reply