Dalalka Gobolka Geeska Afrika Oo Iska Kaashanaya Isbedelka Cimiladda

0
123

Saamaynta taban ee ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka ku yimid waxay dhibaatooyin soo gaadhsiisay dunidan aynu ku nool nahay.

Waxaanay dhibaatadaasi si xoog ah u taabatay dalalka dunidadda saddexaad loo yaqaano, ama kuwa dhaqaale ahaan hoose ee uu dhaqaalahoodu soo korayo.

Si wax looga qabto dhibaatadan ka dhalatay isbedelka cimiladda ayaa dalalka caalamka gaar ahaana kuwa xagga dhaqaalaha ka horumaray oo iyaga wershadahooda wax soo saarku ay sababeen dhibaatadani waxay ku dedaalayaan sidii dalalka ay waxyeeladu gaadhay loo caawin lahaa.

Wadamadda ku yaalla gobolka Geeska Afrika oo ka mid ah kuwa ay saamaysay isbedelka cimiladu ayaa ku dedaalaya sidii ay isaga kaashan lahaayeen wax ka qabashadda waxyeeladda ay sababtay isbedelka cimiladu.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa shir ku saabsan iskaashiga dalalka Geeska Afrika oo ay laga wada tashanayeen waxyeeladda isbedelka cimiladda oo dhawaan lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaana shirkaasi ka soo qaban qaabiyay Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ee APD, kaasoo ay ka soo qayb galeen dalalka gobolka Geeska Afrika, iyo khubarro kale oo ka socday haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka.

Shirkaasi oo muddo laba maalmood ah socday waxaa ka qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed C/laahi Ducaale.

Waxaana shirkani mudadda uu socday lagu soo bandhigi doonaa cilmi baadhisyo la xidhiidha saamaynta xun ee isbedelka cimiladu ku yeeshay wadamadda gobolka Geeska Afrika, iyo sidii la iskaga kaashan lahaa wax ka qabashadda arrintaasi.

Sidoo kale waxaa shirkani qayb ka ah oo la qaban doonaa dooddo la xidhiidha arrimaha isbedelka cimiladda, iyo iskaashiga amaanka ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo na ay ka qayb qaadanayaan aqoon yahano iyo khubarro deraasado ku sameeyay isbedelka cimiladda, iyo amaanka gobolka.

Shirkani oo ka ka qabsoomaya xarunta Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland (Academic for peace and development), ee magaaladdaย  Hargaysa, waxaa furitaankiisii ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyo wufuud ka kala socday dalalka Geeska Afrika.

Sida Ethiopia, Kenya, Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno ka mid ah aqoon yahanka reer Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Dr. Edna Aadan Ismaaciil, guddoomiyaha xarunta Dhaqanka Hargaysa Jaamac Muuse Jaamac, Dr. Xuseen C/laahi Bulxan, safiirro ka socday dalalka Geeska Afrika, iyo cilmi baadheyaal, aqoon yahano, iyo marti sharaf kale.

Waxa kaloo shirkani ka qayb galay wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, agaasimaja guud ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed C/laahi Ducaale, agaasimaha Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, xubno ka socday Sahan Research, khabiirro ka socday haayadaha caalamiga ah, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo furitaanka shirkani hadal la jeedisay ayaa uga mahad celisay Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta qabashadda shirkani lagaga hadlayo Isbedelka Cimiladda, Deegaanka, iyo Amaanka gobolka Geeska Afrika.

Wasiirku waxay ka warbixisay taariikhda Akaademiga Nabadda, iyo Horumarinta Somaliland, iyo kaalintii uu ka soo qaatay hawlihii dib-u-dhiska dalka iyo dawladnimadda, isla markaana uu sameeyay cilmi baadhisyo fara badan, oo u baahan in dib loogu noqdo si looga faa’iidaysto.

“Waxaa xusid mudan in dhamaanba wixii cilmi baadhisyo ahaa ee ay dalka soo saareen APD, waa in dib loogu noqdo, oo la akhriyo. Cilmi baadhisyadda ay soo saareen APD, waa kuwo wax wax ku ool ah, waana kuwo laga faa’iidaysan karro, waana kuwo aynu siyaasadaheena ku dhisi karno.

Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dadkii sanadkan isku tacalujiyay in ay Bedka keenaan mawduuca Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, oo ah laba aan kala maarmin. Iyagoo dadka tusay muhiimadda ay leedahay sidii aan uga gudbi lahayn dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Waxa kaloo aan u mahad celinayaa Akaademiga Nabadda, iyo Horumarka, iyo haayadaha ka gacan siiyay shirkani” ayay tidhi wasiirka Deegaanku.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa ku boorisay martida, iyo ka qayb galeyaasha shirka in ay maanka ku hayaan in loo midoobo wax ka qabashadda saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Waxaanay tidhi “Waaxaynu is-waydiinaynaa halkee ayaynu u soconaa marka laga hadlayo isbedelka cimiladda? Maanta (shalay) halkan waxaa isugu yimid dalalkii Geeska Afrika oo dhan. ย Geeska Afrika haddii uu meel isugu yimaadana, waxaa ka soo baxa wax muhiim ah.

Ethiopia, ayaa joogta, Kenya, Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, iyo marti kale. Dhamaanba martida shirkan jooga, ee dalalka Geeska Afrika ka kala yimid, isku mid ayaynu nahay, mar haday himiladeenu isku mid tahay, oo dhibaatadda inaga haysata isbedelka cimiladda ay isku mid tahay.

Waana in aynu isla wada jaan-qaadnaa, waana in aynu noqonaa dad isku wada hadaf ah, oo meel u wada jeedda.

Waana in aynu qodobo wax ku ool ah ka soo saarno shirkani, oo ku saabsan wax ka qabashadda dhibaatadda inaga haysatada isbedelka cimiladda. Ma aha oo keliya in aynu wax ka soo saarno, balse waa in aynu ku dhaqanaa wixii aynu ka soo saarno, aad iyo ayaana arrintaasi loogu baahan yahay”.

Geesta kale dudoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland Dr. Maxamed Faarax Xirsi, oo shirkaasi furay ayaa u mahad celiyay dhamaanba ka soo qayb galayaasha shirka.

Waxaanu tilmaamay in shirkani uu yahay mid muhiimadiisa leh, isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan doodaha laga jeediyo ardayda jaamacadaha dalka wax ka barta.

Leave a Reply