Golaha Guurtida oo Warbixin Dhinacyo badan Iftiiminaysa ka Dhegaystay Guddidooda Dhaqaalaha

0
113

Hargeysa (Dawan) Golaha Guurtida JSL, ayaa warbixin ka dhageystay guddi hoosaadka dhaqaalaha golaha guurtida, kuwaas oo warbixin dhinacyo badan taabanaysa la wadaagay golaha.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha guurtida Somaliland, mudane Axmed Dirir Cali, oo gole waynaha la wadaagayay nuxurka warbixinihii ay ka soo ururiyeen doodii kal-fadhiga 82-aad ee golaha, sidoo kalena soo darsay xaalada dhaqaale ee dalka.

Warbixinta ay wadaageen golaha waynaha guurtida guddida dhaqaaluhu ayaa waxa ay salka ku haysay ilaha dhaqaale ee dalka ugu waa weyn, kuwaas oo kala ah xoolaha nool, oo ay sheegeen inay dayacan yihiin sababtuna ay tahay in la ootay dhulkii ay daaqi jireen, sidoo kalena la xaalufiyay, waxa ay intaas ku dareen in ay aad u kooban yihiin Suuqyada dibedda ee loo iibgeeyo xoolaha JSL, loona baahan yahay in la kordhiyo.

Guddidu waxa ay sheegtay in ilaha dhaqaale ee dalka ay ka mid yihiin beeruhu waxaanay sheegeen in abaarihii isdabajooga ahaa, roob yaraanta iyo isbeddelka cimiladu ay saameyn weyn ku yeesheen wax-soo-saarkii beeraha dalka, waxa ay intaas ku dareen in hay’adda WFP ay caqabad ku tahay beeraleyda dalka, iyaga oo sabab udhigay in ay wakhtiga dalagyadu u soogo’aan ay suuqyada keenayso raashinka ku kaydsan bakhaarada, waxaanay carabka ku dhufteen in ay qiimo dhac ku keenayso dalagyadii dalka ku soo go’ay, halkii looga baahna hay’adda WFP inay ka iibsato beeraleyda dalka.

Guddidu waxa ay sidoo kale sheegeen in dalxiisku yahay waxyaabaha ugu mudan ee dhaqaalaha dalka kor uqaadi kara, haddii la horumariyana dalkeenu la tartami karo dalalka dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dalxiisyaasha, sida Masar, Turki iyo waddamo kale.

Guddidu waxa ay xustay in ilaha dhaqaale ee dalku ku tiirsan yahay ay ka mid tahay Macdantu, waxaanay tilmaameen in Somaliland ka mid tahay dalalka dhaca Jiida Musanbiik, oo caan ku ah macdano fara badan oo kala duwan.

Waxa kale oo guddida dhaqaaluhu warbixintooda ku sheegeen in ay jiraan ishaarooyin muujinaya in dalkeena uu ceegaago shidaal bad iyo bariba, loona baahan yahay khayraadkaasi si looga faa’ideysto in la helo hantidii lagu maalgelinlahaa, shaqaale isku dubarida hawlahaasi, si looga midha dhaliyo in dalkeenu horumar ka gaadho arrimaha shidaalka.

Gaba-gabadii guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha guurtida Somaliland, waxa ay soo jeediyeen tallooyin la xidhiidha arrimaha dhaqaale ee dalka, kuwaas oo kala ah.

1 In hantida Qaranka la ilaaliyo si daahfurnaan ah si hay’adda Qaranka loola xisaabtamo.

2 In kor loo qaado lana horumariyo ilaha wax-soo-saarka dalka, sida beeraha, xoolaha nool, kalluumeysiga, macdanta iyo khayraadka kale ee aynu leenahay.

3 In waxbarasho lagu jaheeyo dhallinyarada si ay wax uga tarto shaqo la’aanta lana barano xirfado ay ku shaqaysan karaan.

4 Baanka dhexe ee JSL waa in uu xakameeya sicir-bararka, iskuna dheelitira shilinka iyo dollarka.

5 Wasaaradda ganacsigu waa in ay si dhaw ula socota iibka alaabaha daruuriga ah, lana timaado siyaasad lagu xakameynayo qiimaha ganacsatadu siday doonaan udhigayaan ee culayska ku ah bulshada jilicdasan.

 

 

Leave a Reply