Xikmadaha

0
196

• Gefka oo aad ka cudur daarato waxba ma yeelayo sharaftaad, waa uu ka dhegaya qof ku weyn indhaha kuwa aad ku geftay.
• Maalka iyo maamulka ma bedelaan qofka, laakiin waxay muujiyaann shakhsiyadiisa dhabta ah. Dadka oo dhan wanaag ma wada gaadhsiin kartid, laakiin dadka oo dhaan waad ka dayn kartaa dhibtaada.
• Haddii sharka aad shar ugu jawaabto, goormu sharku dhamaanayaa? Dulqaadka iyo cafiska ayaa dhameeya sharka”.
• Waxa ugu qurux badan dunida waa inaad ogaato qiimaha naftaada.
• Marka xaqu ka aamuso baadilka, kuwa baadilka wada aya u qaata inay xaq yihiin
• Caqliga iyo carabka waxa ka dhaxaysa xidhiidh isku cakis ah, mar kasta oo caqligu yaraado, carabka qofkuna wuu dheeraada (Wax kasta iskaga hadlaa oo sheegaa).
• Saacadu waxay leedahay gacan haddana waxba kuma qabato, miiskuna wuxu leeyahay lugo haddana kuma socdo sidaasi ayay u jiraan kuwo leh Maskax laakiin aan ku fikirin.

Leave a Reply