Wasiirka Dastuurka Somaliland oo ka Qayb galay Furitaanka Tartanka Ciyaaraha Wasaaradaha Dawladda

0
189

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ka qayb galay  furitaanka tartan Ciyaareedka Kubada Cagta ee wasaarraddaha iyo haayaddaha dawlada.

 

Tartankaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ka furmay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargaysa Stadium.

 

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn u mahad naqay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, iyo haayadda Shaqaalaha Dawladda, oo iska kaashaday qabashadda tartan ciyaareedkani.

 

 

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland waxa uu ka warbixiyay faa’iidooyinka ay tartanadu u leeyihiin dhalinyarada iyo doorka ay ka qaataan is dhexgalka bulshadda.

 

Sidoo kale wasiirku waxa uu tilmaamay in ciyaaruhu ay faa’iido u leeyihiin Caafimaadka, aqoonta  iyo jidh dhiska dhalinyarada. Waxaanu soo jeediyey in la tayeeyo, la na tixgeliyo ciyaaraha.

 

 

“Waan la qabaa masuuliyiinta kale iyo xukuumad ahaanba in aynu tixgelino dhamaanba Ciyaaraha dhalinyaradeena.

 

 

Taas oo aynu wax badan ka faa’iidi doono, haday tahay dhinaca is dhexgalka dhalinyarada, Caafimaadka, aqoonta  iyo jidh dhiska dhalinyarada” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

 

 

Leave a Reply