Reer Ceel-afwayn Waa Xilligii Loo Talin Lahaa”

0
138

Ceerigaabo(Dawan):- Madaxdhaqameed ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa ka hadlay nabadaynta beelaha alaalaha ah ee Ceel-afweyn oo shaqaaqo soo noqnoqotay ay dhex martay.

Waxaanay sheegeen in labada beelood ba looga baahan yahay in ay ALLE ka baqaan oo ay hirgeliyaan nabadda ay qaateen.

Waxaa kale oo Madaxdhaqameedku caddeeyeen in ay ku taageersan yihiin go’aamadii ay soo saareen gudidii nadadaynta Ceel-afweyn isla markaana taageersan yihiin Maamulka Gobolka Sanaag iyo ciidamada qaranka ee hawsha nabbadaynta ah u jooga Ceel-afweyn.

Waxaanay labada beeloood ee Walaalaha ah ku adkeeyeen in ay ka daayaan naxdinta joogtada ah ee ay ku hayaan bulshada Somaliland ee maalin kasta warka dhiillada lihi uu ka soo gaadhayo Ceel-afweyn.

Suldaan Cawil Faatax oo ka hadlay kulan ay Madaxdhaqameedkaasi warbaahinta u qabteen,ayaa sheegay in ay labada beelood ku ammaanayaan in ay qaateen Xabbad joojinta ay wada qaateen waxaanu ku adkeeyay in ay ku dhaqmaan oo aan halkaa qaylo dambe kasoo yeedhin.

Waxaa kale oo uu caddeeyay in Madaxdhaqameedka shirkaa karaa’id ka hadlay in ay taageersan yihiin go’aamada ay soo saareen gudida nabadaynta u jooga Ceel-afweyn iyo maamulka gobolka Sanaag iyo ciidamada Qaranka oo nabadaynta Ceel-afweyn si naf hurnimo ah ugu guntaday.

Waxaanu yidhi. “shir ay yeesheen waayeelka,madaxdhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Sanaag waxaa ka soo baxay baaq nabadeed oo ay u dirayaan beelaha walaalaha ah ee colaaddu ku dhex martay Ceel-afweyn. Imika xabadi ma socoto laakiin waxaa la ogyahya in colaadi ka jirto deegaankaas,waxaanu leenahay waxaanu garab taagannaay waayeelka ku sugan ee nabadaynta u jooga  iyo maamulka gobolka iyo degmada iyo ciidamada qaranka ee ku sugan una jooga nabadaynta Ceel-afweyn.

Waxaanu baaq u diraynaa beelaha walaalaha ah ee Ceel-afweyn oon ugu baaqayno in ay nabadda qaataan oo ay hirgeliyaan  xabbad joojinta ay ku dhawaaqeen ay hirgeliyaan oo ay ALLE ka cabsadaan ooay walaalnimadooda eegaan oo duruufaha ay ku jiraan ay eegaan oo ay waxkasta oo jira dhulka dhigaan oo la joojiyo colaaddaa.”

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay. “cid kasta oo colaaddaa hurinteeda ku hawlan na  hadday qurbe jog tahay iyo hadday cid kale tahayba waxaan leenahay colaadda hurinteeda joojiya oo ALLE ka cabsada oo dhiigga daadintisa ka waantooba.waxaa kale oo Madaxdhaqameedku isla gartay in aan baaqaa lagu joogin ee wixii kale ee la qaban karayo na la qabto hadday tahay in Meesha la tago oo madaxdhaqameedka gobolka Sanaag oo isu dhan ay degmada Tagaan oo ay hawshaa nabadaynta qaybtooda ka qaataan.

Waxaanu leenahay oo aanu adkaynaynaa nabad gelyadu qof kasta waa u dan,ALLE na wuxuu dadka siiyaa amni iyo iimaan qofka amni waayaa Iimaan na ma helo salad na ma tukado,qofka Muslimka ahna dhiigiisu waa xaaraam. In qofka loo dilo qabyaalad in qofka loo dilo waa reer Hebel oo uu  loo dilo reerka uu yahay waa diin la,aan .

Waxaan leenahay booq ayaad ku tihiin gobolka Sanaag iyo Somaliland  ba waxaan idiinku baaqaynaa in aad colaadda joojisaan oon wax dambe dhicin.”

Madaxdhaqameedka kale ee shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa dhammaantood isku wada raacay baaqa nabadeed ee ay dirayaan isla markaana soo jeediyay in la joogo xilligii reer Ceel-afweyn loo talin lahaa.

 

 

Leave a Reply