Wasiirka Waxbarashadda oo Daah-furay Shir-weynaha Horumarinta iyo Tayaynta Waxbarashada

0
187

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaaladda Hargaysa ka furay shir-weynaha wada tashiga horumarinta waxbarashada ee caalamiga ah ee loo yaqaano GPE.

Shirweynahani waxaa ka soo qayb galay haayadaha caalamiga ah ee wadaageyaasha waxbarashada ee la shaqeeya wasaaradda waxbarashadda Somaliland. Qaar ka mid ah maayarradda magaalooyinka dalka iyo goleyaasha deegaanka, guddoomiyeyaasha waxbarashada ee goboladda dalka, iyo masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradda Waxbarashadda.

Shirkani ayay u jeedadiisu tahay sidii loo horumarin lahaa waxbarashadda dalka, iyadoo la tayaynayo waxbarashadda, macalimiinta, dugsiyadda, iyo in la xoojiyo waxbarashadda qaybaheedda kala duwan.

Mashruucani oo loo yaqaano mashruuca iskaashiga waxbarashadda ee caalamiga ah (Global Partnership for Education), ayaa qorshuhu yahay inuu waxbarashadda Somaliland ku caawiyo lacag dhan 8 Milyan oo dollar sanadkiiba.

Lacagtaasi oo saddex jeer ka badan qoondadda waxbarashadda ee miisaaniyadfa xukuumadda Somaliland u qorshayso in sanadka lagu horumariyo, sida uu sheegay wasiirka Waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo hadal ka jeediyay furitaanka shirweynahaasi.

“Mashruucani waxaa la yidhaahdaa mashruuca iskaashiga waxbarashadda ee caalamiga ah (Global Partnership for Education).

Miisaaniyadda ay dawladda Somaliland sanadkii u qoondayso waxbarashadda, saddex jeer ayuu ka badan yahay ka uu mashruucani ina siinayaa. Halka mashruucani oo ka ugu weyn ahina uu sanadkii noqonayo 8 Milyan oo dollar” ayuu yidhi wasiirka Waxbarashadu.

Geesta kale wasiir Toorno, waxa uu sheegay in shirkadaha waaweyn ee ganacsigu ay siyaabo kala gedisan u taageeraan qaybaha waxbarashadda dalka.

Sidaas darteedna in la doonayo in mashruucani GPE lagu mideeyo dhaqaalaha ay waxbarashadda ku bixiyaan shirkadaha ganacsigu, iyo lacagta ay qorsheeyeen in haayadaha caalamiga ah ee mashruucani ay ku bixinayaan horumarinta waxbarashadda Somaliland.

Taasoo lagu salaynayo qorshaha horumarinta, iyo tayaynta waxbarashadda dalka ee wasaaradda Waxbarashadda Somaliland u degsan, kaasoo tilmaamaya saddex u jeedo oo kala ah fidinta waxbarashadda, tayaynta waxbaraahadda, iyo maamul wanaaga waxbarashadda.

Wasiir Toorno, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Saddex u jeedo ayaynu hiigsanaa oo kala ah fidinta waxbarashadda, tayaynta waxbaraahadda, iyo maamul wanaaga waxbarashadda. Waxaynu doonaynaa in aynu uga faa’iidaysano, sida ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysan karro.

 

 

Lacagaha ay shirkadeheena ganacsigu ku taageeraan waxbarashadda ayaa la doonayaa in aanay filiq-sanaanin, ee meel la isugu soo ururiyo, mashruucani lacag kale ayuu ku soo shubayaa. Markaa Foundation-kaasi ha maamulo, horumarka waxbarashada ayaana lagu tayaynayaa”.

 

 

 

Leave a Reply