Wasaaradda Beeraha oo Tababar u Qabatay Hawl-wadeennada Bedbaadada Beeraha

0
159

 

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Tababbar u qabatay Hawl-wadeenada Waaxda Bedbaadada Beeraha.

Tababbarkan oo soconaya muddo 2 Maalmoood ah, ayaa Muddada uu socdo waxa lagu baranayaa Culuum la xidhiidha Sumaha lagu buufiyo Cayayaanka waxyeeleeya Wax-soo-saarka Beeraha Somaliland.

Hawl-wadeennada, ayaa qaadanaya duruus khuseeya kala duwanaanshaha Sumaha Beeraha lagu buufiyo, si looga fogaado in hawl-gallada la dagalaanka cayayaanku ay khasaare ku keenaan wax-soo-saarka, una adeegsadaan hadba Sunta ugu habboon ee cayayaankana suulin karta, wax-soo-saarkana aan dhibaato gaadhsiinin.

Tababbarkan oo muhiim ah, iskana kaashadeen Wasaaradda Beeraha iyo Hay’adda FAO, ayaa furitaankiisii waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Waaxa Bedbaadada Beeraha Dr. Maxamed Siciid (Suudaani) iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Yaasiin Aadan.

Agaasimaha waaxda bedbaadada Beeraha Maxamed Siciid (Suudaani) iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Yaasiin Aadan oo halkaa ka hadlay, ayaa ka qayb-galayaasha tababbarka u soo jeediyey inay ka faa’idaystaan Aqoonta la barayo, si ay ugu dabaqaan shaqada ay Wasaaradda Beeraha iyo Qarankaba u hayaan.

 

 

 

Leave a Reply