Xukuumadda oo Caalamka u Gudbisay ku Xadgudubka Xuquuqda Maxaabiista Laascaanood iyo Gabbood Fallada Huwanta

0
243

Hargeysa-(Dawan):-

Xukuumadda ayaa kulamo la xidhiidha xad-gudubka xuquuqda maxaabiista Ciidanka Qaranka ee kooxaha huwantu hayaan la wadaagtay dublamaasiyinta caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane. Ciise Kayd Maxamuud oo uu weheliyo ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika iyo IGAD Mudane. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo kulan la yeeshay wakiilada safaaradda Somaliland ku leeyahiin dalalka Ingiriiska, Itoobiya, Jabuuti, Kenya Taiwan, Turkey, Imaaraadka Carabta iyo wakiiladda Hay’adaha Caalamiga ah sida Qaramadda Midoobay, Midowga Yurub iyo hay’adda ICRC.

Kulanka ayaa la sheegay in Wasiir Ciise u gudbiyey wakiiladda Dublamaasiyiinta sida xun ee loola dhaqmay maxaabiista lagu qabtay Laascaanood. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca xukuumadda ee ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee maxaabiista.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Ciise ayaa ku boorriyay dublamaasiyiinta  inay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladdaha.

Kulanka ayaa kusoo beegmay  maalmo ka dib markii xukuumadu soo saartay warbixinno la xidhiidha ku-xadgudubka maxaabiista iyo ula dhaqanka hannaan ka baxsan xeerarka caalamka ee maxaabiista iyo anshaxa diinta islaamku jideyssay.

 

 

 

Leave a Reply