Sharcigii Ingiriiska Iyo Khiyamadii Hindida!

0
204

Sannadkii 1919kii, gumaysigii Ingiriiska ee xukumayay dalka Hindiya ayaa doonayay in uu cidhibtiro maska Kobraha ee sunta leh ka dib markii bulshadii Ingiriiska ee deganayd magaalada Delhi ay cabsi badan ka muujiyeen faafitaanka Maskaasi halista ah.

Sidaa awgeed dawladda ayaa soo saartay in sharci ah in qofkii soo dila Maskaasi Kobra la siin doono abaal gud lacageed.

Marka fikradaasi soo baxday waxa markiiba la gaadhay guul weyn iyagoo dadkii saboolka ahaa ee Delhi u dhaqaaqeen in soo dilaan Maskaasi isla markaana maydkiisa u keenaan dawladda si loo siiyo abaalgudka.

Laakiin intaas ka dib, dad badan oo Hindi ah ayaa si badheedh ah u rabeeyay abeesooyinka Kobra, si ay tarmaan. Waxaana ay ku  xanaaneyeen guryahooda iyo beerahooda, iyagoo diidan in ay dabar go’do, si aanay isaga taagan abaalgudka lacageed ee dawladda. Marka ay dilaan ayay hargeeda u geynayeen dawladda iyadoo markiiba la siinayeen abaalgudka.

Waxa dawladda yaab ku nqotay sababta ay u dabar go’ waayay Maska Kobra iyadoo lagu hayo ugaadhsi jogto ah.

Maamulkii Gumaysigii Ingiriisku markii uu ogaaday in dadka Hindida ahi ay khiyaameeyeen, waxa u baabiiyay abaal-marintii ay siin jireen qofka soo dila Maska Kobra.

Laakiin arintaasi waxa ay keentay bulshada Hinidada ahi ay suuqa ku soo daayaan  dhamaan Masaska Kobra ee tariminayeen, maxa yeelay ma jirto waxtar iyo manfac ay u leedahay madaama la joojiyay abaalgudkii dawladda.

Arinkaasi ayaa keenay in xaaladdu ay ka sii adkaato maalintii sharciga dilka Maskaasi la soo saaray. Waxaana ay noqotay cabsida Maskan laga qabaa in ka xoog badan yahay sidii uu ahaa markii hore, madaama hal mar lagu soo daayay suuqyada kumanaan la rabeeyay.

Arinkaasi iyo kuwa la midka ah waxa sabab sharci kasta oo la soo saaro iyadoo aan daraasad la samayn, waxaana uu noqdaa mid sii kordhiya dhibaatada halkii uu ka xalin lahaa waxaana loo yaqaana Saamaynta Kobra “Cobra Effect”.

Leave a Reply