Guddida is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Maxkamadda Sare iyo Guddida Diiwaan-gelinta Ururada

0
146

Hargeysa (Dawan) Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo sii wada kulmadoodii shaqo ayaa goobo kala duwan ku yeeshay Fadhiyadoodii 12-aad iyo 13-aad.

Guddida ayaa Fadhigii 12-aad oo ay ku yeesheen xarunta golaha la kulmay Guddida Diwaan gelinta Ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo la kulmay guddida is waafajinta xeerarka doorashooyinka ee Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele iyo Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa shalay la kulmay guddida gaarka ah ee is waafajinta xeerarka doorashooyinka ee Golaha Wakiillada, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxaanay ujeedada kulanku daarnayd is xogwaraysi iyo talo bixin la xidhiidha xeerarka doorashooyinka ee xeer lr 91/2020 iyo xeer lr 14/2011.

Fadhiyadani oo shir gudoominayay Guddoomiyaha guddidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi ayey guddidu kulamadaasi ku urursadeen talooyin kala duwan.

Leave a Reply