Wasiirro Kulan ka Yeeshay ka Faa’iidaysiga Marinka Berbera

0
151

Hargeysa(Dawan):- Xubno wasiirro ah oo ah gudidda horumarinta Marinka Berbera ayaa yeeshay kulankoodii isku dubbaridka ahaa oo ay kaga wada hadleen ka faa’iidaysiga Marinka Berbera.

Marinka Berbera ayaa ha marn muhiimad wayn ugu fadhiya Somaliland isla markaana isku xidha Afrika,aasiya iyo Yurub si wayn na caalamku u dananaynayo tan iyo markii Somaliland heshiisla caalamiga ah la gashay shirkadda DP-WORLD na waxaa kor u kacay indhaha caalamka eek u soo jeeda Marin biyoodka Berbera.

 

 

Guddida Horumarinta Marinka Berbera ayaa maanta yeeshay kulankoodii isku-dubbaridka ahaa ee ay kaga wada-hadleen ka faa’iidaysiga marinka.

Waxaana kulanka shirgudoominayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamuud  Xassan Sacad (Saajin) waxaana ku wehelinayay shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Gaadiidka iyo qaar kamida Guddida sare ee hormarinta marinka.

Waxaana lagaga wada hadlay siidii loo horumarin lahaa isla markaana looga faa’iidaysan lahaa Marinka Berbera

 

 

Leave a Reply