Wasiirka Isgaadhsiinta oo Tababar usoo Xidhay Dufcadii 5-aad ee ka Aflaxda Xarunta Hal-abuurka Qaranka

0
133

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa tababar u soo xidhay dhalinyarro dhamaystay xirfadaha Tignoolajiyadda ee laga isticmaalo Internet-ka.

Dhalinyarada oo tiradoodu dhamayd 285 arday ayaa ka kala socday shaqaalaha wasaarradaha iyo hay’adaha dawladda Somaliland, Jaamacadaha dalka, iyo sidoo kale Haweenka suxufiyiinta ah.

Ardayda dhamaystay barashadda xirfadaha Tignoolajiyadda casriga ah ayaa tababarka ku qaatay Xarunta Hal-abuurka Qaranka ee Somaliland Innovation Zone, xaruntaas oo loogu talo galay kor u qaadista iyo tayaynta xirfadaha la xidhiidha tiknoologiyadda si uu qaranku ula jaan-qaado adduunyada casriga ah.

Iyadoo  dhalinyaradan shalay waxbarashadoodda dhamaystay ay noqonayaan dufcadii 5-aad ee wax ku barta Xarunta Hal-abuurka Qaranka ee Somaliland Innovation Zone, waxaana tababarka iska kaashaday Xarunta Hal-abuurka Qaranka ee Somaliland Innovation Zone, iyo xafiiska ganacsiga iyo maalgashiga ee safaaradda Taiwan, ee caasimadda Hargaysa (ICDF).

Munaasibadii tababarka loogu soo xidhayay ardaydaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirka Isgaadhsiinta, iyo Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta  Siciid Xasan Habane, safiirka dawladda Taiwan u fadhiya Hargaysa, iyo xubno ka tirsan xafiiska ganacsiga iyo maalgashiga ee safaaradda Taiwan, (ICDF) ee caasimadda Hargaysa.

Sidoo kale waxaa xafladaas ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdikariin Aadan Cadde, agaasimaha guud ee wasaaradda Tignoolajiyadda, iyo Isgaadhsiinta, agaasimaha Xarunta Hal-abuurka Qaranka ee Somaliland Innovation Zone, Suleekha Isxaaq, iyo masuuliyiin kale.

Ardayda ayaa mudadii uu tababarku u socday waxaa la baray xirfadaha Tayaynta, iyo kobcinta ee dhinaca Tignoolajiyadda casriga ah, sida ay sheegtay Suleekha Isaxaaq, agaasimaha xarunta Hal-abuurka qaranka.
Wayaanay ka warantay faa’iidadda xaruntaasi, iyo doorka ay ka qaadatay kobcinta aqoonta xirfadaha ee dhalinyarada. Waxaanay sheegtay in ay ardaydani barteen xirfado looga baahan yahay suuqyadda Somaliland, isla markaana ay wax badan ku soo kordhin karaan dalka.

Kuwaasoo buuxinaya intii la shaqaalaysiin lahaa dad kaloo ajaanib ah, waxaanay tidhi “Ardaydani ayaa mudadii uu tababarku u socday waxaa la baray xirfadaha Tayaynta, iyo kobcinta ee dhinaca Tignoolajiyadda casriga ah, waxaa ka faa’iidaystay shaqaalaha dawaladda, ardayda jaamacadaha, Haweenka suxufiyiinta ah, iyo qaybaha ururadda bulshadda.

Waxaanay ardaydani barteen xirfado looga baahan yahay suuqyadda Somaliland, isla markaana ay wax badan ku soo kordhin karaan suuqyadeena, intii la shaqaalaysiin lahaa dad kaloo ajaanib ah.

Xirfadaha ay barteen waxaa ka mid ah, Apps-ka, oo ah Tignooljiyadda oo aad loo isticmaalo. Markii aanu diyaarinaynay barnaamijkani waxaanu ka istaagay dhamaanba dhinacyadda aanu is leenahay dadkeenu way u baahan yihiin”.

Wasiiirka Tignoolajiyadda Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa ka warbixiyay mashruucan lagu kobcinayo aqoonta Tignoolajiyadda dhalinyaradda dalka, waxaanu u mahad celiyay xarunta hal-abuurka qaranka, iyo xafiiska ganacsiga iyo maalgashiga safaaradda Tawian ee Hargaysa oo tababarkani iska kaashaday.

Waxaanu yidhi “Koorasyadda la qaataa waa kuwo la xidhiidha xirfadaha ama tignoolajiyadda. Waxaan halkan uga mahad naqaynaa xarunta hal-abuurka qaranka, iyo xafiiska ganacsiga iyo maalgashiga safaaradda Tawian ee Hargaysa oo tababarkani iska kaashaday. Cid kasta oo rabta in ay barato xirfadaha Tignoolajiyadda, waxaanay xaruntu diyaar u tahay wax kastoo awoodeedda ah in ay bulshadda barto, gaar ahaana dhalinyaradda, imika ku jirta jaamacadaha, iyo kuwa dhameeyay ba, in ay fursadahaa ka faa’iidaystaan”.

Siciid Xasan Habane, wasiir ku-xigeenka warfaafinta JSL ayaa isna safaaradda Taiwan, ee Somaliland uga mahad celiyay taageerada dhinacyadda badan leh ee ay bulshadda reer Somaliland u fidiso gaar ahaana dhalinyaradda.

“Adduunyadu ba waxay ku tartamaysaa imika hadba sida ay horumar uga samayso xagga IT-ga, ama Tignoolajiyadda. Suuwyadda ugu waaweyn ee ay imika adduunaydu ka dukaamaysato, waa kuwo Online ah, oo Internet-ka laga dhex curiyay.

Waxaynu doonaynaa bad-weynta noocaasi ah in aynu ka faa’iidaysano, oo da’yarteenu Cawliga, iyo Maskaxda tuujiyaan, oo ay iyagu na wax ku soo kordhiyaan. Mar kasta oo aynu Tignoolajiyadda ka faa’iidaysano, shaqadu na way fududaataa, effective-ka, iyo efficiency-kuna kor buu u kacaa.

Waxaan idinku boorinayaa intii ka faa’iidaysatay barnaamijkani, waa in wasaarradihii iyo haayadihii ay ka yimaadeen ay dib ugu celiyaan aqoontii ay barteen, isla markaana aynu ka fikirno in aynu mar walba wax cusub soo kordhino, oo xaggeedda wanaagsan aynu Tignoolajiyadda ka isticmaalno”ayuu yidhi Siciid Xasan Habane.

Geesta kale safiirka dawladda Taiwan, u fadhiya Somaliland ayaa isna sheegay in xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, uu dhinacyo badan la xidhiidho, isla markaana barnaamijkani uu ka mid yahay mid ay kor ugu qaadayaan aqoonta Tignoolajiyadda ee dhalinyaradda reer Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda isgaadhsiinta, ayaa sheegay in dufcadani ay tahay tii shanaad, ee  ka qalin jebisa xaruntaasi, iyadoo jirtay muddo laba sanadood ah.

Mudadda ay jirtay xaruntaasi na ardayda wax ka baratay ay gaadhayaan ilaa kun iyo dhawr boqol oo arday.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply