Madaxweyne ku-Xigeenka Somaliland oo ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacadda Tima-Cadde ee Gabiley

0
130

Khadar Cabdi Muuse 

Gabiley (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa shalay ka qayb galay xaflad loo sameeyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda Tima-Cadde ee magaaladda Gabiley.

Ardaydan ka qalin jebiyay jaamacadda Tima-Cadde oo tiradoodu dhamayd 1100 arday, ayaa noqonaya dufcadii 11aad ee ka qalin jebiya jaamacadaasi mudadda ay jirtay.

Waxaanay ardaydaasi isugu jireen kuwo dhamaystay qaybaha kala duwan ee kuliyadaha ay jaamacadu bixiso, iyo sidoo kale heerarkeedda kala gedisan ee Master-ka, iyo Degree-ga.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay ardaydaasi waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, guddoomiyaha xisbiga UCID, maamulka gobolka Gabiley, maayarka Gabiley, siyaasiyiin, aqoon yahano, waalidiinta ardayda qalin jebiyay, maamulka, iyo macalimiinta jaamacadda Tima-Cadde, iyo marti sharaf kale.

Leave a Reply