Guddoomiyaha UCID Oo Ku Maraya Socdaalka Adkaynta Midnimada Qurbo-joogta iyo Garab Istaaga Ciidanka Qaranka

0
106

Stockholm (Dawan): Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa wadamo ka tirsan qaaradda Yurub ka bilaabay socdaal la magac-baxay Adkaynta Midnimada Qurbo-joogta iyo is garab taaga Ciidanka Qaranka JSL.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo safar shaqo ugu baxay wadamo ka tirsan qaaradda Yurub, ayaa shalay gaadhay magaaladda Stockholm, ee caasimadda dalka Sweden, halkaasoo uu safarkiisa ka bilaabay.

Waxaana markii uu gaadhay Stockholm, soo dhaweeyay xubno ka mida qurbe joogta Sweden degan, isagoo na guddoomiye Faysal, jaaliyadda uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa la filaa in mudadda uu halkaa joogo inuu kulomo la qaadan doon doonaa jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Sweden.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u sii gudbi doono wadamadda kale ee Yurub, isagoona safar ku soo mari doona wadamo ka mid ah Yurubta Galbeed, gaar ahaana waddamada Skandinavien-ka loo yaqaano.

Ujeedada socdaalka guddoomiyaha UCID ayaa ku qotonta sidii uu midnimo uga dhex dhalin-lahaa qurbo-joogta reer Somaliland ee ku nool dalalka Yurub, isla markaana loogu midoobi lahaa difaaca dalka iyo in garab istaag loo muujiyo ciidanka qaranka.

Geesta kale guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa kulan balaadhan waddanka Sweden kula yeelan doona jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan.

Iyadoo arrimaha ugu muhiimsan ee la iskula soo qaadi-doono kulankaasi ay ka mid yihiin kor u qaadista isku duubnida, iyo Adkaynta midnimada bulshadda reer Somaliland ee Sweden degan.

Sidoo kale kulankaasi ayaa la qorsheeyay in lagu falan qeeyo sidii taageero dhiiri gelin ah loogu muujin lahaa ciidamadda qaranka JSL ee difaaca dalka kaga jira furimaha hore.

Waxa kaloo lagu sheegay warka socdaalka in kulankaasi uu guddoomiye Faysal, la yeelanayo jaaliyadda Sweden, in lagaga hadli doononimadda jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan uu guddoomiyaha xisbiga UCID la yeelanayo jaaliyadda Somaliland u dhashay ee degan dalka Sweden, ayaa la qorsheeyay inuu qabsoomo maalinta Axadda todobaadkan ee taariikh-du tahay 01/10/2023-ka ee Afarta Galabnimo.

 

 

Leave a Reply