Afhayeenka Xisbigha Kulmiye oo ka Jawaabay Hadallo Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

0
135

Hargeysa (Dawan) Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Xisbiga Waddani oo ay kaga hadleen arimaha Ciidamada qaranka.

Cabdinaasir Muxumed Xasan oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xisbjga Waddani ka dambeeyay Ciidamadii booliska ee kooxdii hubaysnayd ku laysay godawayn.

Cabdinaasir Buuni oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa shirkan jaraa,id ku sahabsanyahay aniga oo tixraacaya Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Xisbiga WADDANI oo ay kaga hadlayeen arintii Ciidamada qaranka Somaliland,waxa shacbiga Somaliland aanay ku kala baydhsanayn wixii soo gaadhay Ciidamada qaranka Somaliland Xisbiga Waddani abaabulkeeda iyo hirgalinteeda intaba isagu iska lahaa una saareen jabhad laysa.Ciidamada qaranka oo qorshihii ay u dhigeen sidoodii u dhacay,waxaase nasiib darro ah in maalin walba ay soo celceliyaan in ay ka hadlaan Ciidamada qaranka.waxaana taariikhda gashay in aad tihiin Xisbigii koowaad ee ee shirqoolay Ciidamada qaranka oo fulinaya waajibaad qaran.waxaana buurta Gacanlibaax saarteen budhcadii dhacday baabuurtii hay,adaha Caalamiga ah intaasiba dhakada ayay idika saaran tahay,”.

Sidoo kale Cabdinaasir Buuni ayaa waxa uu tilmaamay in baanka dhexe ee Somaliland u xilsaaranyahay sugida dhaqaalaha.Waxaana uu yidhi”Waxa uu u xilsaaranyahay baanka dhexe ee Somaliland sugida dhaqaalaha oo uu ka hadlay Galaal,intii talada ay haysay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi lacagta Somaliland waa sugan tahay.waaana ogyihiin shacabka Somaliland markii uu talada dalka qabtay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sidii uu u baaxo dagayay shilinka Somaliland.waana markii ugu horaysay ee baanka Somaliland uu sameeyo maalgalinta haday tahay kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo haday tahay horumarka ay wadaan dawladaha hoose ee dalka,”.

 

Leave a Reply