Wasiirka Ciyaaraha JSL oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Socday Dawlad Deegaanka Ethopia

0
110

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdiraxiin Xirsi Jaamac Dhooble, ayaa shalay kulan la yeeshay La-taliyaha xafiiska Ciyaaraha ee Dowlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdirisaaq Xasan Maxamed, kaasi oo safar shaqo ku yini Somaliland.

Sidoo kale waxa kulankan ku wehelinayey guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland, Fu’aad Axmed Cali, waxaaney ka wada haldeen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Dalka Somaliland iyo dawlad degaanka Soomaalida ee xagga ciyaaraha iyo dhalinyarada.

Waftigan safarka shaqo ku yimid Somaliland ayaa ujeedada socdaalkoodu salka ku haysay sidii Somaliland iyo DDS, ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta dhinaca ciyaaraha labada dal, iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka dhinaca ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhalinyarada.

Maaha markii u horraysay ee masuuliyiinta dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland iyo dawlad deegaanku ay ka arinsadaan sidii loo xoogin lahaa horumarinta dhinaca ciyaaraha labada dal, balse waxa jira kulamo hore oo ay yeesheen masuuliyiinta dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo dawlad deegaanku kuwaasi oo lagaga tashanayay adkaynta xidhiidhka dhinaca ciyaaraha labada dal.

Gaba-gabadii waxa la isla qaatay sidii looga shaqayn lahaa iskaashiga ciyaaraha labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland iyo Dawlad deegaanka.

 

 

 

Leave a Reply