Magaaladii Wada Sakhraantay!

0
155

Talaabada Waxa laga Fikiraa Ka Hor Inta Aan La Qaadin!

 

Booliiska Indonisiya ayaa soo qabtay xashiishad dhan 3.3 ton. u dhiganta 63 kiish. Waxaana ay go’aan ku gaadheen inay gubaan. Xashiishadaasi ayaa lagu soo ururiyay saldhiga ciidanku ku leeyihiin tuulada Palmera district oo ku taalla galbeedka caasimadda Jakarta ee dalkaasi.

Nasiib darroo markii gubitaankaasi uu bilaabmay oo qiiqu  samada isku shareeray dadkii tuulada oo dhan ayaa noqday kuwo xashiishadaysan oo is wada bedelay ka dib markii hawada ay ka qaateen gebi ahaanba qiiqa xashiishaddi ku buuxo. Waxa aan noqodeen kuwo wada sakharaan ah.

Arintaasi ayaa keentay in booliisku ay xidhaan qalabka laga iska difaaco qiiqa marka ay tuuraan suntan dadka ka ilmaysiisa ee loo adeegsado mudahaaradka (gaas mask covers)  iyagoo dadkii tuuladana qalabkaasi lafatiisa la siiyay. Talaabooyinka inta aan la qaadin ayaa aad looga fiirsada waxyeelada ka iman karta.

Leave a Reply