Wakhti Kasta Waad Kaalmayn Kartaa Dadka!

0
227

Nin da’ oo beerlay ah ayaa wiilkiisa oo si khalad ah lagu xidhay warqad ugu diray jeelkii uu ku xidhnaa waxaana uu ku qoray eryadan “ Wiilkaygiiyow , waxaan ka werweraya sanadkan cidda beerta ii qodaysa, waayo adiga ayuu ah kan ii qodi jiray. waxan ka murugoonaya nolosha adag, waxaan hubaa haddii aad ila joogi lahayd in sanadkan beertu si fiican iigu bixi lahayd  waayo waa sanad roob badan, waxaana lagu jiraa xili beer qodaalka” .

Wiilku markuu akhriyay warqadda ayuu usoo qoray mid kale oo uu ugu soo jawaabayo, waxaan ku qoraa eraydan:” Aabo maad waalan tahay , ha  qodin beerta, maxaa yeelay waxa ku aasan hubkaygii oo dhan ” .

Inkasta oo uu sameeyay iuu qarsoodi ku diro, haddana Booliisku waraqadaasi way akhriyeen, maalintii labaad ayay beertii subax hore galeen iaygoo qodaal ku bilaabay si ay u helaan hubkii ku aasnaa ee wiilku sheegay inuu ku aasan yihiin, laakiin nasiib daro waxba kama ay helin.

Intaasi ka dibna wiilka ayaa aabihii warqad kale usoo qoray oo ku yidhi “ Aabo hadda beero mar haddii laguu qoday, waxa keliya oo aan wakhtigan ku qaban karaa waa intaasi “Kuwa caqliga u saaxiibka ahi iyagoo dhibta ugu adag ku jira ayay dadka teegaaraan”.

 

Leave a Reply