Runta Iyo Xaqiiqda Dhabta Ah

0
98

Nikita Khrushchev Wuxu ahaa hogaamiyihii Ruushka sanadadii 1953-1964, wakhtigii dagaalka qabow. Waxaana uu ahaa madaxweynihii xukunka la wareegay markii uu dhintay Istalin . Khoroshof ayaa sanadkii 1956 Baarlamankiisa lagu magacaabo Duma khudbad ujeediyay. Wuxu ahaa shirkii 20aad ee xisbiga shuuciga ah,      Wuxu aad u cambaarerey denbiyadii u galay madaxweynihii ka horeeyay ee Istalin iyo dhibaatadii uu  shacbiga u geystay.

Markii uu dhameeyay hadalka waxa loo dhiibay waraaq usoo qoray mid ka mid ah xubnihii Baarlamanka ee shirka fadhiyay.  Waxaana ku taallay “ Maxaad hadalkaasi uga hor odhan weyday  Istalin, adigoo ka mid aha ragii ugu wayna xisbiga uguna dhowaa isaga”.

Koroshof ayaa qoslay ka dibna wuxu codsaday in ninka warqada soo qoray isa taago. Markii uu qofna istaagi wayay ayuu ku jawaabaay “ Waan baqday sidan aad adiguba hadda u baqatay.

 

 

 

Leave a Reply