Aaminaadiisa Ayaa Ka Dhigtay Hantiile Xor Ah!

0
118

Markii uu Amriirka Mu’miniinta Sayid Cumar Binu Khadab (rc) soo gaadhay goobtii  u ku raacayay adhiga Adoonku ayuu weydiistay inuu siiyo neef adhi oo ay qashaan madaama ay safar ku jiraan.  Ninkii adhiga la joogay ayaa u sheegay in aanu siin Karin oo uu yahay adoon uu leeyahay ninka Adhiga leh.

Cumar Binu Khadab (rc) ayaa ku yidhi “Ninku kuma arkayee na sii , marka uu ku weydiiyana waxaad ku odhan  Bahal ayaa cunay”.  Ninkii adoonka ahaa ayaa ku yidhi “ Laakiin hadii aan isaga sidaas ku idhaa, Maalinta Qiyaamahana Allah (sw) maxaan ku odhan”?. Sayid ayaa ka codsaday in ninka leh adhiga u tilmamo, wuu u sheegay. Sayid Cumar ayaa ka codsaday inuu ka iibiyo adoonkiisa adhiga la jooga. Laakiin markii uu gartay inuu yahay Amiirkii Muslimiinta ayaa ku yidhi “ Adoonka iyo adhiga uu la joogaba qaado “.

Markii uu ku wareejiyayna Sayid Cumar Binu khadaab ayaa isna ninkii ku yidhi “ Haddaba adiguna imika xor ayaad tahay, adhigii aad la joogtana waxa iska leh adiga ee qaado”. Sidaas ayuu imaanka wanaagsan ee amaanada ilaaliya dunida guudkeeda uga helaa abaal weyn

Leave a Reply