Sadaqda Ku Bixi Wixii Aad Awooddo

0
111

Ganacsade Litha Ibnu Sacad wuxu ka ganacsan jiray Malabka , markii ay dekedda ugu soo xidhatay Dooni u siday malab badan oo foostooyin ku jira ayay islaan da’ ahi oo sidatay  weel aad u yar ka bariday inuu uga buuxiyo weelka yar malab, laakiin wuu diiday. Islaanta oo murugysan ayaa iskaga tagtay.

Ibnu Sacad ayaa ku amray ninkii la shaqaynayay inuu soo ogaado guriga islaantan , ka dibna uu u qaado Foosto malab ah.  Kaaliyaha ayaa aad ula yaabay waxaana uu ku yidhi “ Mudane waxay ka codsatay inaad weel aad u yar  ugu shubto malabka waana aad u diiday, imikana waxaad tidhi foosto buuxda u qaad waa sidee xaalku ?

Ibnu Saciid ayaa ugu jawaabay “Iyadu waxay wax igu weydiisatay weelkii ay heli karaysay ee awoodeedaa ahaa, aniguna waxaan wax ku siinayaa weelkii aan heli karayay ee awoodayda ah” .   Waa akhlaaqada dadka fahmay sadaqada iyo wanaageeda. “ Hadduu ogaan lahaa kan wax bixiya in sadaqadiisu ay ku dhacday gacanta Allah (sw)  ka hor intii aanay gaadhin gacanta ka baahan , faraxadiisu waxay ka badan lahayd, kan la siiyay farxadiisa”.

(Kitaabka Faa’iidooyinka Sadqada  Page 17, 18,19)

Leave a Reply