Sidee ayay sirdoonka Israa’iil ugu guul-darreysteen inay joojiyaan weerarrada waaweyn ee Gaza?

0
106

” Wax fikrad ah kama hayo sida ay tani u dhacday.”

Taasi waa fal-celintii ay saraakiisha Israa’iil ka bixinayeen Sabtidii, markii la weydiiyey sida, iyada oo dhammaan agabkeeda baaxadda leh iyo sirdoonkeedu u arki waayeen in uu soo socdo weerarkani.

Tobaneeyo hubaysan oo Falastiiniyiin ah ayaa u suurtagashay inay ka gudbaan xadka sida adag loo ilaaliyo ee u dhexeeya Israa’iil iyo Marinka Qaza, halka kumannaan gantaallo ah laga soo tuuray Qaza oo la galay Israa’iil.

Marka la isku daro dadaalka Shin Bet, sirdoonka gudaha Israel, Mossad, wakaaladeeda basaaska dibadda iyo dhammaan hantida Ciidamada Difaaca Israa’iil, waa wax lala yaabo in aan cidina arag tan dhacday.

Ama haddii ay arkeen, way ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan.

Israa’iil ayaa lagu doodi karaa in ay leedahay sirdoonka ugu ballaadhan uguna dhaqaalaha wanaagsan Bariga Dhexe.

Waxa ay xog-ogaal iyo wakiilo ku leedahay gudaha kooxaha falastiiniyiinta ah, iyo sidoo kale Lubnaan, Suuriya iyo meelo kale.

Waxa ay hore u fulisay dilal qorshaysan oo lala beegsaday hogaamiyayaasha mayalka adag,iyada oo si hoose loo ogaanayo dhamaan dhaqdhaqaaqyadooda.

Mararka qaarkood kuwan waxaa lagu sameeyay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ka dib markii wakiiladu ay dhigeen raadraaca GPS-ka baabuurtooda shaqsiga ah; Mararka qaar waagii hore waxay isticmaali jirtay taleefannada gacanta ee qarxa.

Dhulka, oo ku teedsan xayndaabka xudduudda kacsan ee u dhexeeya Gaza iyo Israel waxaa ku yaal kamarado, dareemayaasha dhaqdhaqaaqa dhulka iyo roondo ciidan oo joogto ah.

Ku darso Xayndaabka taarku-ku-xidhan yahay ayaa loo malaynayey inuu ahaa “caqabad caqli-gal ah” si looga hortago dagaalyahano Xamaas ah oo soo qaada weerarkan oo kale.

Haddana dagaalyahannada Xamaas ayaa si fudud cagaf cagafyo ugu dhex maray, oo godadkii ka jaray taarkii ama waxay Israa’iil ka soo galeen badda iyo cirka.

Si loogu diyaar garoobo oo loo fuliyo weerar isku dubaridan, oo isku dhafan oo ay ku lug leeyihiin kaydka hubkooda iyo ridida kumanaanka gantaallada, ee ku hoos jira sanka Israa’iil, waa heer aan caadi ahayn oo ku tusaya hawlgelinta Xamaas.

La yaab maaha in warbaahinta Israa’iil ay su’aalo deg-deg ah ku waydiinayso millatariga dalkooda iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalkooda sida ay arrimahan oo dhan u dhici karaan, sannad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay weerar kale oo lama filaan ah oo aycarabtu ku qaadeen Israa’iil wakhtigaas: dagaalkii Yom Kippur ee Oktoobar 1973kii.

Saraakiisha Israa’iil waxay ii sheegeen in baadhitaan weyn uu billowday, su’aalahana, waxay yidhaahdeen waxay socon doonaan muddo sanado ah”.

Laakiin hadda Israa’iil waxay leedahay mudnaan badan oo culus. Waxa ay u baahan tahay in ay xakamayso oo ay xakamayso soo gelitaanka xuduudeeda koonfureed, iyada oo meesha ka saaraysa maleeshiyaadka Xamaas ee qabsaday dhawr beelood oo ku yaala dhinaca Israel ee xayndaabka xuduudka.

Waxay u baahan doontaa in ay wax ka qabato arrinta muwaadiniinteeda ee maxaabiista ah, iyada oo loo marayo hawlgal samatabbixin hubaysan ama wada hadal.

Waxay isku dayi doontaa inay baabi’iso goobaha laga soo tuuray dhammaan gantaalada lagu soo riday Israa’iil, oo ah hawl aan macquul ahayn oo ay adag ttahay in la afjaro.

Waxaana laga yaabaa in walwalka ugu weyn ee Israel uu yahay tan: sidee ayay u joojinaysaa jawaabaha iyo baaqa Xamaas ee hubka iyada oo laga fogaanayo inuu dabkani ku sii fido Daanta Galbeed oo ay suurtogal tahay in xitaa ay soo jiidato dagaalyahannada aadka u hubaysan ee Xisbullah ee ka gudbaya xadka waqooyiga ee Lubnaan?

 

Leave a Reply