Daraasad: Xayawaanku codadka dadka iyo codka Libaax keebay aad uga baqaan?

0
180

Codka bini’aadamka ayaa cabsi aad u badan ku keena naasleyda duurjoogta ah marka loo eego sanqadha libaaxa, daraasad lagu sameeyay Koonfur Afrika ayaa sidaa daah furtay.

Saynis yahanadu waxa ay duubeen codadka dadka sida caadiga ah u hadlaya iyaga oo adeegsanaya cod-bixiyeyaal ku qarsoon godadka biyaha ee seeraha qaranka ee Kruger.

Qiyaastii 95% xayawaanku aad bay u baqeen oo si degdeg ah ayay u carareen.

Taas bedelkeeda, duubista cida ama gurxanka  libaaxyada waxay ka bixiyeen keenay digniin aad u yar.

Hadalka bini’aadamka ee cod baahiyeyaasha lagu duubay waxaa ka mid ahaa luqadaha maxaliga ah ee sida caadiga ah looga hadlo dalkaa.

Maroodiyaasha qaarkood, iyaga oo ka jawaabaya codadka libaaxyada, xitaa waxay isku dayeen inay soo abaaraan isha dhawaaqa.

Natiijooyinka daraasaddan ayaa lagu sheegay in xayawaannadan la tijaabiyey oo isugu jiray Ugaadh, Geri, shabeel iyo Doofaar, ay muujiyeen in bani’aadamku uu kaga khatar badan yahay Libaax, taas oo ay ugu wacan tahay ugaadhsiga,iyaga oo  isticmaal qoriga iyo adeegsiga Eyda si loo qabto.

Cabsida la soo bandhigay ayaa ka baxsan beerta qaranka ee Kruger, taas oo muujinaysa qaab caalami ah oo duur-joogtu ay aad uga baqaan bini’aadamka, sida ay sheegtay daraasadda.

Qorayaashu waxay xuseen in tani ay caqabad ku tahay meelaha ku tiirsan dalxiiska duurjoogta, sababta oo ah booqdayaasha bini’aadamka ee ay rabaan inay soo jiitaan waxay si aan ku talagal ahayn uga baqaan xayawaanka ay u yimaadeen inay arkaan.

Laakiin natiijooyinka ayaa sidoo kale furaya suurtagalnimada lagu ilaalinayo noocyada nugul ee hab-nololeedyadan. Dhawaaqa bini’aadamka, marka si habboon loo isticmaalo, waxay kaa caawin kartaa inaad ka ilaaliso ugaadhsiga sharci darrada ah.

.

Leave a Reply