Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, Wadnaha iyo shaqadiisa iyo xannuunada halista ku ah.
Haddaba Wadnuhu waa xubin ka sameysan muruq, shaqadiisuna waa inuu bamgareeyo dhiiga si ay xubnaha kala duwan ee jidhka ay u helaan nafaqada iyo ogsijiinta ku jirta dhiiga, wadnuhu wuxuu dhiiga raacsiiyaa xididada dhiiga, wuxuu gaadhsiyaa xubnaha jidhka nutriishanka iyo ogsijiinta ay ubaahan yihiin, wuxuuna kasoo qaada wasaqda ay soo saaraan xubnaha marka ay isticmaalaan ogsijiin iyo nafaqada.
Wadnuhu wuxuu ku yaalaa kala badhtamaha Laabta, wadnaha waxaa looqaybiyaa laba qaybood , qaybta kore oo la dhaho Atrium, iyo qeybta hoose oo loo yaqaano Ventricles, qaybta kore waa halka uu kasoo galo dhiiga wadnaha, dhiiga wada wasaqda iyo midka wada ogsijiinta waxay kasoo galaan wadnaha qeybta kore, qaybta bamgareysa dhiiga waa qaybta hoose, waxay na ukala bamgareysaa sambabada si looga saaro wasaqda, iyo jidhka intiisa kale si loogaadhsiiyo ogsijiinta.
Dhiiga wuxuu uqulqulaa haldhinac oo kaliya marka wadnaha uu caafimaad qabo, sababtoo ah wadnuhu wuxuu leeyahay waalal (valves) ka hortaga in dhiiga uu dib ulaabto.
Wadnuhu wuxuu dhiiga ay ku yartahay ogsijiintu u bamgareeya sambabada si looga saaro wasaqda oo loogu badelo ogsijiin, kadib dhiiga ogsijiinta leh wuxuu ku soo laabtaa wadnaha.
Xiliga jidhku uu nasan yahay garaaca wadnuhu wuxuu garaa 72 jeer, jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa waxay kor uqaadaan heerka gaaraca wadnaha, Cudurada ku dhaca wadnaha ayaa ah sababaha ugu badan ee loo dhinto.
Wareega dhiiga ee wadnaha
Unugyada wadnaha waxay si lamid ah unugyada kale ee jidhka ay ugu baahan yihiin ogsijiinta iyo nafaqada kujirta dhiiga, in kastoo shaqada wadnaha ay tahay inuu bamgareeyo dhiiga, hadana unugyada uu ka sameysan yahay haddii aysan helin dhiig kufilan, waxaa caafimaad xuma lasoo darsaysaa wadnaha, oo si tartiib tartiib ah udhinta, wadnaha waxay wax yeelada ugu badan ka soo gaadhaa marka ay xidhmaan xididada siiya dhiiga, inta ugu badan na waxaa sababta dufanka ama maadada kaalsiyamta (calcium).
Garaaca wadnaha
Garaaca wadnaha waxaa maamula unugyo khaas ah oo ku yaala Atriyamka midigeed, waxaana loo yaqaanaa SA Node waa halka ay kabilaabato laxanka garaaca wadanaha, unugyadaan waxay sii daayaan koronto ugudbi karta unugyada kale ee dariska la ah, si dhamaa unugyada wadnaha ay korontadu si isla mid ah u wada gaarto. korontadaas ayaa dhexmarta dhamaan unugyada wadnaha.
Heerka garaaca wadnaha
Wadnaha dhalaanka wuxuu garaacaa 120 jeer daqiiqadi, heerkaan waa mid si tartiib ah hoos ugu soo dhaca ilaa qaangaadh nimada, xilligaas oo uu wadanaha garaaco inta udhexeysa 60-100 jeer daqiiqadi, jimicsiga, dhaqdhaqaaqa, iyo shaqada dheefshiidkuba waxay saameyn ku leeyihiin garaaca wadnaha, inta ugu badan ee uu wadnaha bani aadamka garaaci karo ayaa ah 200 ilaa 220 jeer daqiiqadi.
Saameya yaasha
Wadnaha waxaa saameyn ku leh nidaamka isxukuma ee maskaxda ee loo qaybiyo Fariimaha maskaxdu soo dirta ee ah Iska caabinta ama ka cararida khatarta (sympathetic nervous system) ama fariimaha maskaxda soo deyso ee nasniinada iyo soo kabashada ee loo yaqaano (parasympathetic nervous system)..
Muhiimada caafimaad ee wadnaha
Wadnaha waa xubin muhiimad weyn ku fadhiya, sidaa darteed wuxuu halis ugu jiraa inay ku dhacaan cuduro badan, 30% dhimashada dadka ee sanadadkii 2008 waxaa sababay cuduradada wadnaha, waxaana udhinta inta badan wadamada horumaray, dhaqaatiirta daweysa cudurada wadnaha waxaa loogu yeeraa Cardiologists.
Cudurada halista u ah wadnaha waxaa ka mid ah cayilka, dhiig karka, kolesterolka, hasa yeeshee kala bar dadka uu kudhaco wadna xanuunku heerka kolestaroolkooda waa mid caadi ah, guud ahaan waxaa la aamin sanyahay wax yaabaha sababa cudurada wadnaha iney ugu horeeyaan jimicsi la’aan iyo cunto aanan isku dheeli tirneen.
Cudurka xididada wadnaha waa mid oomiya unugyada uu kasameysan yahay wadnaha, waana midka ugu badan ee sababa xabad xanuunka.
.