Wacyigelin la Xidhiidha HIV/AIDS-ka oo loo Qabtay Ciidamada Socdaalka ee Sellel iyo Gaadiidka u kala Gudba Somaliland iyo Jabuuti

0
141

Xubinta koobaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona agaasimaha abaabulka iyo wacyigalinta komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka iyo xubno ka mid ah komishanka oo maalmihii u danbeeyay wacyigalin ballaadhan ka waday gobolka Sellel iyo deegaanada hoos yimaada ayaa   wacyigalin iyo baraarujin la xidhiidha xannuunka HIV/AIDS u sameeyay ciidamada socdaalka ee gobolka Selel iyo iskaashatooyinka gaadiidka u kala gudba dalalka Somaliland iyo D.jabouti.

 

Kulankan wacyigalinta ah oo ay kasoo qaybgaleen taliyaha socdaalka ee Lawyacaddo, taliyaha ilaalada xeebaha, guddoomiyaha degamada iyo madaxda gaadiidka waa wayn ee u kala gudba wadamada Somaliland iyo Jabuuti ayaa waxay si qoto-dheer u wacyigaliyeen bulshada deegaanka iyagoo kula dardaarmay inay isbaadhaan isla markaana aan la takoorin dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka, waxa kale oo ay sharraxaad   ka siiyeen bulshada ay wacyigalinta u sameeyeen siyaabaha kala duwan ee laysugu gudbiyo iyo hababka kala duwan ee uu ku gudbo.

 

Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Maxamed Xaaji Yaasiin Siciid, oo madasha hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in lasoo dhaweeyo dadka la nool xanuunka isla markaana laga ilaaliyo takoorka ay la kulmaan, waxaanu agaasimuhu intaa ku daray in komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ku markasta xilwayni ka saaranyahay sidii loo joojin lahaa takoorka bulsho-waynta reer Somaliland-na loo faham siin lahaa hababka kala duwan ee uu ku gudbo xanuunka HIV/AIDS-ku.

 

Dhinaca kale masuuliyiinta kulanka ka qaybgashay ayaa   agaasimaha komishanka wacyigalinta iyo abaabulka ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka uga mahadceliyay safarka dheer ee uu usoo galay sidii bulshada loo gaadhsiin lahaa wacyigalintan ku saabsan joojinta takoorka bulshadu la kulanto, iyo sidii ay u bari lahaayeen qaababka kala duwan ee uj xanuunkani.

 

 

Leave a Reply