Dulmigii Ku Dhacay Ayuu La Ilmeeyay

0
148

Ninka lagu magacaabo Fritz Moen oo ahaa nin xishood badan oo maqalka naafo ka ahaa (dhega la’), isla markaana dhibaato dhinaca hadalka ahi ay haysatay, laakiin aad u caqli wanaagsan, xusuustiisuna ay aad  u fiicanayd, ayaa sanadkii 1987 la xidhay laguna xukumay 18 sano xadhig.

Moen ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday isla markaana dilay gabadh 20 jir oo Norway u dhalatay, inkasta oo aan denbigan wax cadayn ah loo helin.

Haddaba sanadkii 2005 ayaa nin lagu magacaabi jiray Torhespo oo wakhtigaasi sakaraadku hayay, kuna jiray saacadihii ugu danbeeyay noloshiisa uu qirtay inuu dilay saddex halbood oo ah kalkaaliyaal caafimaad , isagoo si buuxda u wada tilmaamay goobihi uu ku dilay iyo magacyadoodii oo ay ka mid ahayd gabadhii loo haystay dhegoolaha. Isla saacadahaasi ayaa la sii daayay dhegoole Moen oo u xidhnaa kiiskaasi 8 sano.  Maxkamadda ayaa dhaleecaysay baadhista booliiska ee kiiskaasi. Moen markii la sii daayay aad ayuu u ilmeeyay, isagoo ay damaqday xabsiga dulmiga ah ee u uku jiray.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply