Madaxweynaha JSL oo Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Reer Miyiga Mid Cusub-na Magacaabay

0
127

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne xilkii kaga qaaday wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somalialnd, sidoo kalena waxa uu ku magacaabay wasiir cusub.

Wargeegtadaas oo uu shalay soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ay u dhignayd sidan :

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Axmed Aadan Jaamac;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay wasiir Cusub.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

 

 

Leave a Reply