Indonesia oo ay ka dhacaan weerarrada Yaxaasyada ee ugu badan adduunka

0
172

Markii Sariah ay u tagtay inay biyo ka soo dhaansato god u dhow gurigeeda oo ku yaal jasiiradda Bangka ee dalka Indonesia bishii Sebtembar laakiin Yaxaas dhererkiisu yahay 3 mitir ugu dhex dhuumayey godka hoostiisa, iyaduna waxay ku maahquulsanayd buuxinta baaldigeeda.

Laakiin Sariah oo 54-jir ah way ka badbaaday oo gacanta bidix ayuu ka dhaawacay.

Indonesia waxa ka dhaca weerarrada ugu badan ee yaxaaska biyaha cusbada leh ee adduunka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa dhacay ilaa 1,000 weerar, oo ay ku dhinteen in ka badan 450 qof. Ku dhowaad ​​90 ka mid ah weerarradan ayaa ka dhacay Bangka iyo jasiiradda ay deriska yihiin ee Belitung, sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda (IUCN).

Jasiiradda Bangka waa mid ka mid ah gobollada ugu qanisan-macdanta adduunka.

Jasiiraddan – oo ku dhow bedka gobolka Hawaii ee Maraykanka – waxa ku nool hal milyan, qiyaastii 80% iyaga ka mid ah waa macdan qodayaal. In ka badan 60% dhulka jasiiradda ayaa mar hore loo beddelay goobo macdan qodis oo yar yar, ayay tidhi kooxda ilaalinta duurjoogta ee Walhi. Qaar badan oo ka mid ah goobahan macdan qodistu waa sharci-darro.

Tobaneeyo sano oo macdanta laga qodayey ayaa jaziiradda ka xayuubiyay kaymihii ay lahayd, waxaana dhulkii loo bedelay kumannaan godad waaweyn ah iyo godad u eg muuqaalka dayaxa. Kaydkii dhulka oo yaraaday awgii, macdan qodayaashu waxay hadda u jeesteen badda.

Yaxaasyada biyaha cusbada leh oo sidoo kale ku noolaan kara biyaha saafiga ah, ayaa lagu cidhiidhiyey deegaankoodii dabiiciga ahaa. Hadda waxay ku nool yihiin godad laga tegay ee macdan qodista ah oo ku dhow guryaha dadka, taas oo qayb ka ah kor u kaca weerarrada.

Isbedelka cimilada iyo roobabkii oo yaraaday ayaa keenay in biyuhu ka hadhaan godadka la dayacay dad badan oo Sariah ka mid tahay ayaa biyo u doontay waxaanay la kulmaan weerarka.

Yaxaas-biyoodku waa xamaaratada ugu weyn ee biyaha ku nool, labka yaxaaska ahi dhererkiisu gaadhi karaa in ka badan 7m (23ft). Waxaa jira qiyaastii 20,000 ilaa 30,000 yaxaasyada biyaha cusbada ah ee adduunka oo dhan, iyada oo Indonesia ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan laakiin lama hayo qiyaaso rasmi ah oo tirada Indonesia ah.

Yaxaasyadu waa lagu ilaaliyaa gudaha Indonesia ah, laakiin Jasiiradda Bangka, inta badan waa lagu dilaa – halkii loo gacan gelin lahaa hay’ad ilaalineed oo maxalli ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa aaminsan in haddii loo ogolaado in la badbaadiyo Yaxaas oo meel kale la geeyo ay tahay arrin xun oo tuulada soo food saaraysa, iyaga oo taa beddelkeeda door biday in la laayo oo la aaso.

.

Sanadkii 201 waxa la aasaasay Alobi oo hoy u ah noocyo kala duwan oo duurjoog ah, oo ay ku jiraan pangolins iyo yaxaasyada.

Alobi waxa ku sugan 34 Yaxaas oo la badbaadiyay, kuwaas oo ku dhex jira balli  leeg cabbirka garoonka tennis-ka. Waxaa loo dhisay dayr bir ah oo looga hortagayo in ay baxaan si ay u weeraraan xoolaha kale. Waxa se dhibaato ka taagan tahay quudintooda.

 

Leave a Reply