Weftigii Madaxweyne Ku-xigeenka oo Go’aan ka soo saaray Kulamadii ay la yeesheen Waxgaradka Awdal

0
251

Borama (Dawan) Weftigii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo tan iyo 19-kii bishan ku sugnaa gobolka Awdal, ayaa go’aamo ka soo saaray kulamadii ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Go’aankaasi oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane  Siciid Xasan Habane, waxayna u qornaayeen sidan:-

1 Waxa la isla gartay in laga wada shaqeeyo adkaynta nabadgelyada, guud ahaan gobolka.

2 Waxa kale oo la isla qaatay in la caddeeyo bulshadana la xasuusiyo, bulshada gobolkani inay ka mid yihiin bulshaweynta JSL, yihiina dadkii aasaasay Somaliland, taariikh fogna ku leh, aanay jirin wax la yidhaahdo Awdal State iyo cidkale oo sheegan karta oo ka arrimin karta arrimaha gobolkan iyo danihiisa.

3 Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Waftigu dhageystay waxa ay ka qaadeen wixii tabasho ee mihiim ah ee la isla qiray, waxa wafti ahaan iyo xukuumad ahaan laga wada shaqayn doona sidii wax looga qabanlahaa.

4 Waxa waftigu bulshada ka codsanayaan dhambaalada iyo erayada aan wanaagsanayn, ee kala qaybin kara bulshada wada degan gobolka qaybaheeda kala duwan xasarad iyo xajiimeyna ku abuuri kara in laga fogaado, qof, koox iyo cidkasta oo arrimahaasi ku lug lihi inay ka waantoobaan, oo ay iska ilaaliyaan.

Gaba-gabadii waftigu waxa ay ku baaqayaan adkaynta midnimada, wada jirka iyo danaha bulshada in laga wada shaqeeyo.

Gaba-gabadii waxa uu waftigu u mahadnaqaya qaybaha kala duwan ee aanu soo sheegnay, cidkasta oo kala shaqaysay hawsha waftigu u joogay magaalada Borama maalmihii la soo dhaafay.

 

Leave a Reply