“Maanta waxa loo baahanyahay sidii dalka loo xorayn lahaa” Faysal Cali Waraabe

0
228

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalka laga xoreeyo huwanta ku soo duushay.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa u uu soo jeediyay mucaaridka Somaliland in la joojiyo Mucaaradnimada, isla markaana loo Midoobo difaaca dalka. Faysal Cali Waraabe oo arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Maanta waxa loo baahanahay in Mucaaradnimada la joojiyo oo aynu u diyaar garowno sidii heeryada la isaga qaadi lahaa ee dalkeena aynu u xorayn lahayn ayaa loo baahanyahay, Yuhuudii waad aragtaan Mucaarad iyo Muxaafadba wuu israacay. wixii inaga xumaaday iyo dadkii xumeeyay waa u soo noqon doonaa.”

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi raaciyay “ Saddex iyo labaatan (23) guuto ayaa dul fadhiyay Laaascaanood labo guuto ayaa dagaalamayay waa loo tudhayay, hadii Magaalada Laascaanood la burburiyo soo caruurta iyo Dumarka cadaawad inooma qaadeen inaga oo dadkii waxba yeelin ayaa laynagu qoray in aynu dad xasuuqnay oo Cisbitaalo duminay. waxaana aanu ka xumahay rag ugaasyo sheeganaya oo Addis Ababa ka soo hadlaya oo doonaya in ay dalka qas galiyaan. waxaana aan hambalyaynayaa Masuuliyiinta tagay Boorama ee ka hor tagay qaska inta yar wax magaratada ay ka bilaabeen Minnesota, wax Awadal Satate la yidhaahdaana ma jirto. waana in ay dawladu ka hortagnaa barobagaandada reer Somaliland waa faalmi layna kala qaadi maayo reer Soomaaliya tooda ha hagaajistaan”.

 

 

 

 

Leave a Reply