Xadiiska Rasuulka (scw)

0
263

Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi “ Madiina waa meel xurmo leh, laga bilaabo halkan ilaa halkaasi, geedaheeda lama gooyo, dhexdeedana wax dhib ah laguma sameeyo. Qofkii dhib ku sameeyay waxa dushiisa ahaaday lacnadda Allah, ta Malaa’igta iyo  ta dadka oo dhan”.    Waxa weriyay Bukhaari

“Iimaanka waxaa ugu fiican inaad ogaato in Alle ku arkayo meel kasta oo aad ku sugantahay”.
“Mu’miniintu saddex bay wadaagaan: “Dabka, daaqa iyo biyaha”. (Imaam Axmed iyo Abuu Daawuud).
“Ibna aadamku hadduu dhinto wuu go’aa camalkiisu saddex mooyee  cilmi anfac leh, Ubad fiican oo u duceeya, iyo sadaqo socota ama jaari ah”. (Waxaa weriyey Muslim).