Xadiiska Rasuulka (scw)

0
928

Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi โ€œ Madiina waa meel xurmo leh, laga bilaabo halkan ilaa halkaasi, geedaheeda lama gooyo, dhexdeedana wax dhib ah laguma sameeyo. Qofkii dhib ku sameeyay waxa dushiisa ahaaday lacnadda Allah, ta Malaaโ€™igta iyoย  ta dadka oo dhanโ€.ย ย ย  Waxa weriyay Bukhaari

โ€œIimaanka waxaa ugu fiican inaad ogaato in Alle ku arkayo meel kasta oo aad ku sugantahayโ€.
โ€œMuโ€™miniintu saddex bay wadaagaan: โ€œDabka, daaqa iyo biyahaโ€. (Imaam Axmed iyo Abuu Daawuud).
โ€œIbna aadamku hadduu dhinto wuu goโ€™aa camalkiisu saddex mooyeeย  cilmi anfac leh, Ubad fiican oo u duceeya, iyo sadaqo socota ama jaari ahโ€. (Waxaa weriyey Muslim).