Shacabka JSL Waxa Ku Waajib ah Inay Qiimeeyaan Shillingkooda

0
175

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa xog ka siiyay guddida joogtada ah iyo Anshaxa ee golaha wakiilada JSL, arrimaha dhaqaalaha dalka iyo sarif bararka bulshada saameeyay.

Guddoomiayaha Baanka Dhexe Somaliland Dr. Cabdillaahi Daahir, ayaa meesha ka saaray warar suuqa ku jiray baryahan danbe kuwaas oo sheegayay in baanka dhexe soo daabacayo lacag cusub, waxaanu tilmaamay in aanay jirin lacag cusub oo xiligan Bangigu soo daabacaayo, waxaanu intaas ku daray in Baanka dhexe uu yahay hay’adda dhaqaalaha uga masuulka ah dalka, isla markaasna Baanka dhexe qaranka uga masuul yahay marka lacag la soo daabacayo.

Sidoo kale waxa uu xusay in arrintaasi tahay mid qaran oo hay’addaha khuseyso ay ka wado arrinsadaan marka loo baahdo in lacag cusub la soo daabaco, iyadoo aanay xigilan jirin wax lacag cusub ah oo masuuliyiinta bangiga dhexe soo daabacayaan.

Geesta kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay talaabooyin ay kula dagalamayaan sicirbararka iyo in lacagta shillin ka Somaliland hoos u dhac ku yimaad, waxaanu sheegay in ay dollar suuqa galiyaan si uu xal ugu noqdo sarifbararka xadhkaha goostay, ee danyarta cunaha iskaga duubay.

Dhanka kale guddida joogtada iyo Anshaxa ee golaha wakiilada JSL, arrimaha dhaqaalaha Xildhibaan Faysal Yuusuf Jaamac, ayaa sheegay in wado shaqeyn ka dhaxeyso masuuliyiinta Bangiga Dhexe Somaliland iyo Xildhibanada Gudida joogata, waxaanu kula dardarmey bulshaweynta reer Somaliland in ay isticmaalaan lacagta shilinka Somaliland, waxaa kale oo uu tilmaamay in aanay jirin wax lacag ah ooh adda la soo daabacay iyo mid loo daabacayo toona, waxaanu bulshada faray inay isticmaalaan shilinkooda isla markaana ay qiimo u yeelaan.

Guddoomiyaha guddida joogtada iyo Anshaxa ee golaha wakiilada JSL, arrimaha dhaqaalaha ayaa fariin waayelnimo u diray bulshada JSL.

Waxaa uu yidhi.“Bulshada reer Somaliland ee aanu wakiilka ka nahay waxa aanu u sheegaynaa guddoomiyaha Baanka dhexe waxa uu noo caddeeyay in aanay jirin lacag cusub oo ay soo daabaceen, imikana aan la soo daabacayn, bulshada waxa aanu ku wargelinayna in ay Shilinka Somaliland ku kalsoonaadaan oo ay qaataan, waxaanu idinka codsanayna in aad shilinkiina qiimo u yeeshaan oo dollarka waxa aad la boodboodaysan iska daysaan, manihin Mareykan ee Somaliland ayaynu nahay ee lacagta Shilinka Somaliland wax ku qiimeeya, kuna qaata.

Anaga iyo baanku waanu kawada hadalay lacag idiin soo socota oo suuqa soo galaysa oo aad ka baqataan majirto”

Guddoomiayaha Baanka Dhexe Somaliland Dr. Cabdillaahi Daahir, ayaa sheegay inay doolar suuqa galiyaan, balse aanay lacag Kaash.

Waxaanu yidhi.“Qiimaha Shilinka JSL hoosbu u dhacay, khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa qayb ka ah in ay saameyso dhaqaalaha dalka.

Baanka dhexe dollar ayuu suuqa galinaya ee Kaash galinmaayo, mana galinayno lacag siyaado ah oo suuqa khalkhalisa, lacagta Shilinka ayaynu leenahay, Shilinkana dadkiisa ayaa qiima u yeela ee aynu shilinkeena qiimo u yeelo”