Blinken oo gaadhay Turkey xilli Erdogan sheegay in aanay Xamaas aheyn argagixiso

0
156

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa shalay Axaddii ku sugnaa  dalka Turkiga oo uu madaxda dalkaasi kula yeelan doono wadahadallo uu “ku muujin doono muhimadda ay leedahay ilaalinta nolosha dadka rayidka ah ee Israa’iil iyo marinka Gaza,” sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Sabtidii, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo hadlay ayaa yidhi, “Waxa aan dooneynaa in aan aragno Gaza oo ah gobol nabdoon oo qayb ka ah dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah, oo la jaan qaadaysa xudduudaha 1967-kii, oo leh madaxbannaani dhuleed, iyo caasimaddeeduna ay tahay Bariga Quddus” sida ay wariyeen warbaahinta Haberturk iyo kuwa kale.

Ankara ayaa sidoo kale sheegtay Sabtidii in ay dib ugu yeerayso safiirkeedii u fadhiyay Israa’iil.

Israa’iil ayaa bishii dhamaatay u yeeratay ergadeedii Turkiga, kadib markii Erdogan uu ku tilmaamay Xamaas in ay yihiin dagaalyahanno xorriyad-doon ah, waxa uuna sheegay in aanay kooxdan u arkin urur argagaxiso, si ka duwan Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa kale ee reer galbeedka.

Sabtidii ayaa Xoghaye Blinken waxa uu magaalada Cammaan ee dalka Urdun kula kulmay madaxda Carabta. Waxa ay ku dhawaaqeen baahida loo qabo in la gaaro xabbad joojin degdeg ah iyadoo millatariga Israa’iil ay garaaceen hoy iyo dugsi QM hoostaga oo ay ku dhinteen dad rayid ah.

Blinken ayaa la kulmay dhiggiisa dalalka Urdun, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Qatar, isagoo sidoo kale la kulmay xoghayaha guud ee guddiga fulinta ururka xoreynta Falastiin iyo ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan, Najib Mikati.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Safadi ayaa Sabtidii warbaahinta u sheegay in inkasta oo uu cambaareeyey weeraradii Xamaas ee 7-dii Octobar iyo in “qof maskax ahaan fayow” aanu hoos u dhigi karin xanuunka ay maalintaasi dareemaysay Israa’iil, haddana dagaalka Gaza aan la oggolaan karin in uu sii socdo.