Xamaas: Wararkii ugu Dambeeyay ee Aagaga Dagaalka Israa’iil

0
195

Wararkii ugu dambeeyay ee aagaga dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ayaa muujinaya in mid kamid ah hadafyada ugu waaweyn ee Israa’iil ka leedahay duulaankeeda Marinka Qasa, kaas oo lagu sheegay galitaankeeda qaybaha waqooyi iyo bari ee Marinka iyo in cadaadis la saaro rayidka ku nool xaafaddaha Sabra, Saytuun, Darji, iyo Askoola.

Illaa shan aag ayuu dagaal qadhaadh ka socdaa, waxana ugu daran kan ka socda waqooyiga galbeed halkaas oo ay galeen tobannaan taangi iyo gawaadhida qafilan ee Israa’iil, kuna teedsan xeebta, waxayna gooyeen lix illaa todobo kiilo mitir gudaha Qasa.

Markaa dabadeed waxay u dhaqaaqeen dhinaca bariga, iyadoo ay iska caddahay in ujeedku yahay go’doominta degmada Qasa, oo ah tan ugu weyn Marinka Qasa, marka la eego baaxaddeeda iyo dadka ku nool.

Diyaaraddaha Israa’iil ayaa xoojiyay duqeynta xagga cirka ah ee ay ku hayaan hareerraha isbitaalka Qudus, halkaas oo hoy u ah kumannaan barakacayaal ah oo nabad u soo raadiyay, waxayna dad badan u arkaan in duqeynta cusub uu hadafkeedu yahay in markale ay u barakacaan dadkan dhinaca koonfurta oo aad uga fog degmada Qasa.